Somaliland: Qof U Dhintay Covid_19 Iyo 17 Cusub Oo Laga Helay

0
756

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay Tirada Dad cusub oo laga helay xanuunka Covid_19, kaasi oo si xawli ah Somaliland ugu faafaya.

Wasaaradda Caafimaadku waxay sheegtay in 24-kii Saacadood u dambeeyay uu hal Qof u Geeriyooday Xanuunka Covid_19, halka laga helay 17 Qof oo cusub.

Qofka Geeriyooday ayaa tirada Dadka u dhintay Xanuunka Covid_19 gudaha Somaliland ka ka dhigaysa 26 Qof, halka 17-ka Qof ee xanuunka laga helayna ay Tirada guud ee Dadka Xanuunku ku haleelay Somaliland ka dhigayso 466.

Geeska.net/Hargeisa Office