Somaliland Oo Xidhay Nin Looga Shakiyay Fidinta Shiicada

0
557

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa xidhay  nin u dhashay dalka Pakistan oo looga shakiyay inuu fidinayay  mad-habta shiicada.

1

Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf, ayaa saxaafadda u sheegay in ninkaas ay baadhisi ku socoto, “Waxa weeye nin ganacsade ah oo dhalashadiisu tahay Pakistani oo ganaci ku yimid dalka, fiisahana uu u qaaday nin wakiil ka ahaa, ka dibna ninkii wakiilka ka ahaa uu ka baxay, oo aan dalka ku joogin wakiil, ka dib markii shaqaaqo iyo tuhun galay, waanu jiraa gacanta socdaalka ayaanu ku jiraa wixii ka soo baxana way soobixi doonaan.” ayuu si kooban u yidhi taliye Maxamed.