Somaliland Oo Xagjirnimo Ku Tilmaamay Dhawaaq Lid Ku Ah Waxbarashada Oo Ka Soo Yeedhay Maamul-gobolleedka Puntland

0
423

Hargeysa (Geeska) – Wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa xagjirnimo ku tilmaantay go’aan ay Puntiland ku sheegtay in ay imtixinaaadka shahaadiga ah ee Somaliland kaga mamnuucayso gobolka Sanaag.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay u xilsaaran tahay kobcinta aqoonta iyo garaadka bulshada isla-markaana imtaxanaadka ay qaadaysay muddo 25 sano.

“Wasaaradda waxbarashada Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo, 25 sano ee u danbeeyay waxa si habsaami ah imtaxaan ka looga qaadayay dhammaan ardayda dalka” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wasaaradda waxbarashada ayaa go’aanka dowlad goboleedka Puntland ku tilmaantay mid xag jir ah oo sharciga baal marsan “Waxaanu baraha bulshada ku aragnay warqad kasoo baxday maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo u jeedadeedu tahay khal khal galinta goobaha imtaxaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka mida dalka. Wasaaradda waxbarashadu waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah, oo aan sharciyad ku dhisnayan, oo aan haba yaraatee wax samayn ah ku yeelan doonin howlaha qaadista imtaxaanaadka shahaadiga ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa maamulka gobolka Badhan fartay in ay fiiro gaara u yeeshan dhaqdhaqaaqyada Puntland “Waxaanu maamulka gobolka Badhan faraynaa, in ay fiiro gaara u yeeshaaan, hadalka xagjirnimo da ah si aan waalidiinta iyo ardayda loo galin dareen aan jirin”ayaa lagu yidhi qoraalka.

Hadalka kasoo baxday dowlad-goboleedka Puntland, ayaa imanaya xilli 19 bishan Juun imtixanaadka shahaadiga ah looga fadhiisan doono guud ahaan Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office