Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Hor-tagayso Isballaadhinta Shiinaha Ee Afrika, Si Ay Taageero Uga Hesho Maraykanka

0
551

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Maraykanka u soo bandhigtay qorsheyaasheeda la xidhiidha in laga hor-tago saamaynta Shiinaha ee Afrika, maaddaama oo ay Somaliland ku taallo Goob istaraatiiji ah oo xilligan Saamayntiisa laga dareemayo.

Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland oo booqasho ku tagay Washington, ayaa Dawladda Maraykanka uga warramay sida ay muhiim u tahay inuu Taageero Somaliland, maaddaama oo ay leeyihiin Cadow isku mid ah, kaasi oo ah Shiinaha oo xilligan faro-gelin ku haya Dalalka Afrika ee Somaliland ka mid tahay.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya Safiirka Somaliland ee Magaalada Washington Bashiir Good, ayaa sheegay in Weftiga Somaliland oo la kulmay inta badan Laamaha Dawladda Maraykanku uu soo bandhigay dood macquul ah, taasi oo mudan in Maraykanku u dhego-nuaado.

“Waxanu Maraykanka u nimid in aanu tusno in aanu wada leenahay cadow kali ah ‘Shiinaha’, qorshahayaga guudna uu yahay in aanu ku soo dhawaano Dimuquraadiyada iyo suuqa dhaqaale ee Maraykanka” ayuu Warbaahinta Maraykanka u sheegay Safiirka Somaliland ee Maraykanka Ambassador Bashir Good

Safiirku wuxuu sheegay in Somaliland ka shaqaynayso sidii ay door ugu yeelan lahayd dedaallada Dawladaha Dimuqraadiga ah ee Maraykanku ka mid yahay ugu jiraan in la joojiyo Saamaynta Shiinaha ee Afrika “Anagu waxaanu joojinaynaa is ballaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika, sidaas darteed waananu istaahilaa taageerada Washington” ayuu Bashir hadalkiisi sii raaciyay.

 

Geeska.net/Hargeisa OFfice