Labada Aqal Ee Sharci-dejinta Maraykanka Ayaa Ansixiyay Sharci Ogalaanaya In Dawladu Si Toos Ah Ula Shaqayso Somaliland

0
660

Bishan aynu ku jirno ee December, sharcidejinta maraykanku waxa ay ansixisay sharci, wasaaradda difaaca ee dalkaas lagu siinayo lacago badan oo ay u adeegsato qorshe lagu difaacayo danaha ay dawladda Maraykanku ku leedahay dhammaan dawladaha adduunka ee ay dan-wadaagta yihiin.

Qorshahan sharci ee cusub oo uu hadda saxeexay madaxweyne Jo Biden, dalalka uu Maraykanku kula shaqayn doono waxaa ka mid ah Somaliland oo aanu u soo mari doonin Soomaaliya, taas oo uu qeexayo in wasaaradda difaaca Maraykanku ay si cad oo aan gabbasho lahayn ula shaqaynayso wasaarada difaaca iyo taliska ciidamada Somaliland.

Haddaba, qorshahan sharci waxa uu Somaliland u yahay guul iyo naruuro, maadaama oo uu ka dhiganyahay in ay heshay saaxiib weyn oo xaga difaaca ah.

Qorshahan sharci oo la filayo in uu dhaqangalo horraanta sannadka cusub ee 2022 ayaa dhigaya, 180 cisho kaddib marka uu madaxwaynu saxeexo, in wasaaradda difaacu ay keento warbixin dhammaystiran oo la xidhiidha dhaqangelinta hawlaha uu dhigayo.

Waxaana la filayaa in dawladda Maraykanku ay Somaliland u soo diri doonto wafti ballaadhan oo ay Somaliland iska kaashan doonaan qroshayaasha wada shaqayneed ee ay ku wada hawlgeli doonaan si waafaqsan sharciga cusub.

Maxamed Caydiid Cali

Maxamed517@hotmail.com