Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudada U Kordhiyay Guddiga Diiwaangelinta Oo Uu Wakhtigii Ka Dhammaaday Dhawaan

19
713

Picture5Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer Madaxwayne oo uu xalay soo saaray muddo laba sanadood xilkoodii ugu kordhiyey guddida diwaangalinta ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka, kuwaasi oo xilkoodu dhamaaday 5-tii bishan aynu ku jirno.

Madaxwaynaha ayaa xeerka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in guddida xilkoodii dhamaaday, balse uu u kordhiyey muddo laba sanadood ah oo cusub.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo lagu baahiyey xeerkan Madaxwayne ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay  JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.

Markuu Arkay: Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Qodobkiisa 3aad, Faqradda 6aad oo jideynaysa in muddada Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu  tahay 2 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo.

Markuu Ogaaday: In xilligii dhaartu ay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013.

Markuu Arkay: In Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 uu awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;

Wuxuu go’aansaday

In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

Comments are closed.