Somaliland Oo Ka Digtay Halista Heshiiska ICAO Iyo Dawladda Somaliya

0
633

Picture5Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa meel adag iska taagtay talaabo hay’adda Qaramada Midoobay Ee ICAO ay dawladda Soomaaliya ugu wareejisay guud ahaan Maamulka hawada dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliy, taasi oo ka hor imanayso heshiis Somaliland iyo Soomaaliya hore u gaadheen.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan Somaliland marnaba caqbalayn in hawadeeda laga maamulo Magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in dawladda Somaliland ay qaadan doonto go’aano adag oo saamayn ku yeelan doona Qaramada Midoobay iyo Soomaaliyaba.

Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maamulka Hawada Soomaaliya waxa uu soo maray muran fara badan ka dibna aanu wallaalayo meel aanu annagu moodaynay inaanu wax iskala dhignay, beesha caalamka iyo qaramada midoobayna ay waajib ku tahay wixii aanu ku heshiinay inay nagu meel mariyaan, nagu kala saaraan, waxna noogu qaybiyaan, haddii ay iyagu markii hore ku guul-dareysteen inay markii hore si wacan wax noogu qaybiyaan”

Wasiir Xaashi, waxa kale oo uu sheegay “Qaranka Somaliland waxa uu beesha caalamka iyo walaalahayaga Soomaaliyaba uga digeynaa  caalamka cawaaqib xumo ka dhalata iskaga gooshka iyo mushaaxida iyo ka ganacsiga hawada dalkii la isku odhan jiray Somaliya, oo qalaalaase uu ku soo  kordhi doono  oo Xasilooni darro ku soo korodho iyo bad qab la’aan, hawaduna ma dhaqdo isku qabqabsi waana arin xaasaasi ah, haddii loo tudhi waayo waxa run noqon doonto in aanaan annaguna u tudhi doonin, haddii ay qaramada midoobay arintaasi ku adkaysato wadahadal toos ah ayaanu kala galaynaa, waxaanu u diraynaa wefti miisaan leh, haddii ay kaliftana ilaa xaruumahooda ayaanu ugu tagi doonaa, waxaanu si toos ah ugala hadli doonaa dawladda Soomaaliya, inay ka baxeen iyo in kale, haddii arimahaasi ay ku caddaadaan oo la iska dhaga mariyo dhawaaqa iyo dareenka bulshada Somaliland, waxaan caddaynayaa in Somaliland ay qaadan doonto go’aamo iyo talaabooyin adag oo ka dhan ah, saamayna ku yeesha qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, arimahaasina waa qorshe degsan oo istaraatijiyadeed, maaha laab la kac iyo wax cadho salka ku haya, xukuumadda Somaliland-na arintan qorshe ayay ka leedahay, haddii la meel-marin waayo wixiii lagu heshiiyey waxaanu meel marin doono qorshayaasha noo yaala” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Annagu waxaanu nahay bulsho bisil, khasaare yaqaan ah, oo ka soo doogtay dhibaato badan, nabadana taqaana, colaadana taqaana,  waxaanu naqaana raggu wuxu gallo iyo wuxu guddo, heshiisayadanu naqaana iyo Ixtiraamkooda, waxa  anaga ka xukuumad ahaan naga  go’an  in wixii heshiis ah aanu ixtiraano oo aanu heshiiska dhinacayaga meel marino, waxaanu maqlaynaa oo aan ku tidhi ku teen ahayn, basle anniga oo tixraaceya wasiirka Soomaaliya u qaabilsan arintan oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho isaga oo ka hadlay in dhammaan hawadii Soomaliya qaramada midoobay ay ku wareejiyeen, lagana maamuli doono Muqdisho hawada wixii Soomaaliya la isku odhan jiray”

Wasiirku waxa uu sheegay in go’aanada ay qaadan doonaan yihiin kuwo aan ahayn laab la kac, balse ay yihiin kuwo hore loo sii qorsheeyey “Waxaa ka caddeynayaa aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Somaliland iyo ka shacbigayaga, Somaliland in aanay marnaba aqbali doonin, in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, qaranamada midoobayna ka yeeli mayno, cid kalena ka yeeli mayno in hawadii Soomaaliya wixii la isku odhan jiray loo maamulo si ka duwan sidii aanu ku heshiinay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxaanu rumaysanahay in hadalladaasi yihiin wax la iska  yidhi, haddii ninkaasi wasiirka hadalka ka soo baxay ay dawladiisu ku raacsan tahay, inay burinayaan oo ay balan ka baxna noqonayso wixii aanu ku heshiinay, markaa Somaliland yeeli-mayso in hawadeeda Soomaaliya gaar u maamulato oo Muqdisho laga maamulo”

Wasiirka Duulista Somaliland, waxa uu dawladda Soomaaliya ku xidhiidhiyey ka bixitaankii shirkaddii shidaalka ee Somaliland “Waa Dhab in meelo badan laga doco-docaynayo horumarka Somaliland oo dad badan ay faro-fareynayaa oo carqalado lagu samaynayo, waxa ka mid ah mashaariicdii shidaallada, waxaanu dareenkeeda qabnaa in arimahaa laftooda oo aanu tuhun ka qabnaa walaaladayo Soomaaliya in la farafaraynayo shirkadaha dalkan Somaliland ka shaqeeya, oo la leeyahay lama gali kartaan heshiisyo” ayuu yidhi.

 

t-size:10.1pt;line-height:84%;font-family:"Arial Narrow"; language:en-US'>