Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hawada Ka Weeraray Faroole Iyo Farriinta Uu U Soo Mariyay Shirkadda Telefon Ee Golis

15
564

Picture6Garowe(Geeska)-Dawladda Federaalka Somaliya ayaa maamul goboleedka Puntland hawada u soo marisay farriin lagu diray telefoonada gacanta ee shirkadda Golis, oo ah shirkadda telefoon ee deegaanadaas ugu balaadhan.

Farriintaas oo ay ku saxeexantahay dawladda Somaliya, waxa baahinteeda hore u diiday saxaafadda madaxabanaan ee Puntland oo u aragtay inay dano siyaasadeed weheliyaan. Hase yeeshe shirkadda Golis ayaa shalay baahisay farriintaas iyo kuwo kale. Farriimaha ay shirkadu baahisay waxa ka mid ah Fadlan musaqbalkeenu wuu soo iftiimay sida waaberiyay, markii aan iska tuurno kuwa doonaya inay dib u celiyaan Somaliya. Dawladda Somaliya.

Farriimahan oo ahaa kuwo is daba socday waxay dareen geliyaan dawladda Puntland, maadaama oo uu khilaaf ka dhexeeyo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, waxaanay madaxtooyada Puntland farriintaas u aragtaa mid siyaasadeed oo hordhac u ah farogelin ay dawladda Somaliya doonayso inay ku samayso doorashada Puntland ee la filayo inay laba bilood ka dib qabsoonto. Shirkadda Golis waxay ka mid ah shirkado badan oo ka hawlgala dhulka ay Somalidu degto oo hoos taga shirkadda Hormuud oo uu leeyahay ganacsade Axmed Jimcaale.

Waxaanay madaxtooyada Puntland baadhis ku wadaa shirkadaas iyo sababta ay u ogolaaday inay farriintaas baahiso, waxaana shalay xarumaha shirkadaas ee Garowe iyo Bosaso la xidhay wakhti kooban.

Comments are closed.