Somaliland Oo Ka Digtay Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Xayiraad Ka Qaadista Hubka Somaliya

0
521

 

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka soo horjeedo in cuno-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. Taasi oo Golaha Ammaanka ee Qarramadda midoobay ka baaraan degayaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo shalay la hadlay  idaacadda BBC-da ayaa wax kale oo uu ka hadlay shaqaaqo ka dhacday xeebta Galbeedka Somaliland, waxaanuu sheegay inay halkaasi geeyeen Ciidamo dheeraad ah oo kala dhex gala beelahaasi, taas oo uu sheegay inay ilaahay ka baryayan inuu kala qaboonjiyo, isla markaana gurmad weyn loogu jiro sidii loo damin lahaa shaqaaqadaasi.

C/laahi Cukusee oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Mawqifka ay Somaliland ka qabtaa arrintaasi waa mid cad Hubka in loo fasaxo Somalia iyo cariga ay Soomaalidu dagtaba waqtigan xaadirka ah waa wax sharafa oo ku jiraa ma jiro, marka la eego sababo badan awgood hubku marka la fasaxayo ee uu imanayo ee uu nidaam dawliya ku imanayo waa inuu galaa gacan dawladeed.”

Wasiir Ku xigeenku oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi yidhi “Waa inuu galaa gacan hayn karta oo xajin karta waa inaanu noqon hub ku kala fidaya ama gacanta uga gala maleeshiyaad iyo kooxo xag jir ah iyo qaar nabad diida iyo qabaa’il is haysta, waa inaanu noqonin matalan ciidamada Ammison xilagan Somalia waxay ka samaysay waxooga nabad galayo ah, waxaan isleeyahay waxoogaa nabdadgalyada ah ee ay samaysay qayb buu ka ahaa hubkaa xayirnaa, markaa hubka hadii mar kale la fasaxo waxay ila tahay inuu u gacan galo gacan aan ahayn tii aaminka ahayd.”

“Annagana dawlad ahaan waxaanu nahay dal jaara nabadiisaana wax noo ah, Annagana nabadayada sidaa haddii hubka la fasaxo uu nabadooda khatar ugu yahay ayuu taayadana khatar ugu yahay, Amnesty Interanational way ka hadashay way sheegtey inuu u fiicnayn hub gacantooda soo gala xiligan,”ayuu yidhi Wasiirku.

Mudane Cabdilaahi Cukuse, waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqo shalay galab ka dhacday xeebta Saylac gaar ahaan deegaanka Xariirad ee galbeedka Somaliland , waxaanuu sheegay in gurmad loo galay si loo qaboojiyo xiisadda ka oogan, waxaanu yidhi “Dawlada Somaliland, waxay samaysay dedaal faro-badan bay gashay dedaalkaasi iyo xoogaasi Wasiiraa tagay habeen walbana waa loo soo jeedaa arrinkaasi sidii lagu dhamayn lahaa ILAAHAY-na, waxaanu ka baryeynaa inuu nagu garab qabto imikana arrinta Xariirad may ahayn arrin sidaa u sii balaadhan, waana arrin aanu ILAAHAY ka baryayno inuu qaboojiyo ciidamo faro badan ayaanU u dirnay oo kuwa amniga ah ilaa shalay , xalay baanay gaadheen, markaa waxaan ku niyadsamahay inay halkaasi dhawaan aRrinteedu dhamaanayso oo hadalkeeda soo noq-noqday ILAAHAY-na ha nala qabto.”