Burco .Wasaaradda Maaliyadda Oo Laba Masuul Oo Ay Todobaadkan Isku Bedeshay Mar Labaad Isku Bedeshay

0
544

 

 

Picture1Burco(Geeska)–Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa laba masuul oo ay todobaadkan isku bedeshay oo ay u kala bedeshay Waaxaha Cashuuraha bariga Burco iyo Boorame ,mar labaad dib isku bedeshay isla markaana maamulihii ay gobolka Awdal gaysay dib Burco ugu magacawday, arintaasi oo amakaag iyo fajac ku noqotay bulshadda ku dhaqan gobolka Togdheer.

 Maamulaha cusub ee cashuuraha bariga Burco Cabdirisaaq Jaamac Maxamed oo ay Wasaaradu arbacadii hore u bedeshay gobolka Awdal xaruntiisa Boorame oo hawshaasi la wareegay ayaa hadana shalay xilkii Burco kala wareegay maamulihii hore ee xilkaasi loo dhiibay Khadar Cabdiraxmaan Faarax oo mudo  todoba cisho ah xilkaasi hayay .

Labadan masuul ee ay wasaaradu isku bedeshay   labada jeer ayaa waxa shalay xilka maaliyadda Burco ukala wareejiyay xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer Maxamed Yaasiin Axmed , oo wasaaradu u xilsaartay xilwareejintaasi .

 Wasaaradda maaliyadda ayaa la sheegay maamulihii Cashuuraha Burco ee la bedelay Khadar Cabdiraxmaan in ay u bedeshay Waaxda Cashuuraha Boorame ee gobolka Awdal isgoo Burco joogay todobaad.

Isku bedelka labadan masuul ee halka Todobaad ay Wasaaradda maaliyadu labada jeer u kala bedeshay labadan gobol ayaa ka yaabiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.