Somaliland Oo Gogol Nabadeed Dhigtay Ceerigaabo Iyo Ciidamada Madaniga Ah Oo La Qaramaynay

0
28

Ceerigaabo(Geeska)Xukuumadda Somaliland ayaa wafdi sare u dirtay magaalada Ceerigaabo si ay gogol nabadeed u dhigaan isla markaana loo qarammeeyo ciidamada madaniga ah ee ku sugan gobollada Sanaag, Sool, iyo Togdheer.

Wafdiga, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ka kooban saraakiil ciidan iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo si rasmi ah gogol nabadeed ugu dhigi doona beelaha magaalada wada deggan.

“Nabadgelyada in la soo celiyo ayaanu idiinku nimid, qof walbana waa ka masuul. Waxaanu idiinka rajaynaynaa in Ilaahay nagu asturo, safarkayagana ka dhigo mid lagu xasuusto nabadgelyada Ceerigaabo oo soo noqota,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay in la qaramaynayo ciidamada madaniga ah oo ka kooban maleeshiyo beeleedyo ay abuureen xiisado colaadeed oo ka taagan deegaannadan.

“Ciidamada qalabka sida ayaa guud ahaan u xil saaran nabadgelyada shacabka. Waxa aanu u nimid in cid kasta oo qori haysata ay ciidanka ka mid noqoto oo aanu qaramayno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Ku-xigeenku.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna sheegay in ciidamada Somaliland ay masuul ka yihiin amniga Ceerigaabo, balse ay doonayaan in colaadda wadahadal lagu dhammeeyo, isla markaana xukuumaddiisu ay nabadda siinayso mudnaanta koowaad. In ka badan 40 kun oo qoys ayaa ka qaxay magaalada Ceerigaabo kadib colaado dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Somaliland. Sidoo kale, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa dhawaan ku dhawaaqay duullaan uu maamulkiisu ku doonayo in uu ku qabsado Ceerigaabo, isaga oo Somaliland ku eedeeyay in ay shacabka dhibaataysay.