Somaliland Oo Gacan Ka Geysanaysa Gurmadka Loo Fidinayo Dadka Puntland Ee Duufaanku Ku Dhacay

5
716

Picture3Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay khasaarihii naf iyo moodba lahaa ee roobabku ka geysteen xeebaha Bariga Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Xukuumadda Somaliland, waxay sheegtay inay aad uga xun tahay dadka badan ee la sheegay inay ku dhinteen roobabkii dabaylaha watay ee deegaanada Eyl, Xaafuun iyo weliba meelaha kale ee Maamul Gobolleedka Puntland.

Wasiirrada Wasaaraha Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay galinkii dambe shir-jaraa’id ugu wada qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dawladda Somaliland ay gacan ka geysan doonto gurmadka loo fidinayo dadka dhibaatadu ku soo gaadhay roobabka Puntland “Waxaanu ka xunahay masiibada ku dhacday walaalahaga reer Puntland” sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, waxaanu intaasi ku daray inay gurmad ka geysan doonaan “Wixii aanu ka gaysen karnana waanu ka geysan doonaa”

Mudane, Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu sheegay inay heegan galiyeen ciidamada kala duwan ee dalka, sida booliska iyo Milatariga, si ay uga qayb-qaataan buu yidhi haddii roobabkani ay khasaare ka geysteen gudaha Somaliland, isaga oo sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay  ka fogaadaan meelaha biyo mareenka ah iyo dhulka godanka ah si looga badbaado khasaare ka yimaadda.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay roobabkii dabaylaha watay ee ka da’ay Puntland.

Wasiirka oo sii hadlayaa waxa uu sheegay in haddii dhibaato timaado ay beesha caalamka gacan waydiisan doonaan “Uma sii dulqaadan karro aqoonsi la’aanta Somaliland, markaa beesha caallamka waxaanu ka sugaynaa inay aqoosadaan Somaliland si ay arrimeheeda uga mid noqoto caalmka kale”

Comments are closed.