Al-shabaab Oo Qirtay Dhimashada Raggii Fuliyey Weerarkii West Gate

1
702

Nairobi (Geeska) – Kooxda Al-shabaab, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka ay ku dambeeyeen kooxdii fulisay weerarkii adduunka ka yaabiyey lagu waaday suuqa West Gate Mall ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya 21-kii bishii 9-aad ee sanadkan.

Mareeg (Website) ay leedahay kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo bandhigay warbixin qoto dheer oo lagaga hadlayo weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate, kaasi oo la rumaysan yahay  inay ku dhinteen dad ka badan 70 qof.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ragga weerarka qaaday ay xubno ka ahaayeen qaybta naftood hurayaasha ah ee kooxdu ay leedahay “Ragga weerarka qaaday waxay ahaayeen walaalo si iskood ah isugu xilqaamay inay galaan gudaha cadowga oo ay khasaare gaadhsiiyaan ka hor intii aan cadowgu dilin" ayaa lagu war-bixinta Al-shabaab ku baahisay Mareegtooda, waxayna intaa ku dartay in raggii weerarka qaaday ay isku dayeen inay goobta ka baxsadaan iyagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu hore u jeediyay Taliyaha ciidamada militariga Kenya Julius Karangi oo sheegay inay doonayeen kooxda weerarka qaaday inay baxsadaan “Karangi wuxuu isku dayay inuu ka been sheego mujaahidiin doonayay inay naftooda huraan isagoo sheegay in ragga weerarka qaaday ay doonayeen inay baxsadaaan” ayay sii raaciyeen warbixinta.

Warbixinta ay Al-shabaab kaga hadashay qaabkii loo fuliyay weerarka ayaa waxay xiganaysaa Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka Al-shabaab kaasoo ku sheegay warbixinta in wixii ka dhacay Westgate aanu ahayn dagaal ee uu ahaa kaliya farriin loo dirayay dawlada Kenya “Westgate wixii ka dhacay ma ahayn dagaal waxay ahayd farriin, laakiin dagaalka runta ah hadda ayuu soo socdaa" Ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere oo war-bixintu soo xiganayso.

Comments are closed.