Hargeysa: Dabaal Degga 18 May iyo khudbadii Madaxweynaha

0
629

DSC03346Hargeysa(Geeska)-Gobalada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si weyn looga xusay sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo ku beegnayd 18 May 1991, waxa kale oo si weyn looga xusay dalalka qurbaha ee ay ku noolyihiin reer Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa khudbad u jeediyay dadweynaha magaalada Hargeysa oo isugu tagay fagaaraha beerta xorriyadda, waxaanu kaga hadlay arrimo badan oo guud ahaan la xidhiidha qaranka Somaliland ee 21 jirsaday.

Mahadnaq, taariikh iyo geesiyadii

Madaxweynuhu ugu horayn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq, taariikhdii 18 May oo uu ka waramay iyo weliba geesiyaashii xorriyadda soo celiyay oo uu la hadlay, waxaanu yidhi  “Marka hore waxa mahad leh illaaheena weyn ee innagu simay in aynu maanta u dabaal-degno xuska munaasibadda sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay maalinta qaran-nimada Somaliland oo ah 18 MAY. Waxa mahad leh illaaha innagu galaday guusha qaran ee aynu maanta hayno.

 

Munaasibada xuska maalintan weyn waxaan Hambalyo iyo boogaadin u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madaxda kale ee Dawladda, Ciidamada kala duwan, shaqaalaha, ardayda, Jaaliyadaha debeda, Ururada Bulshada, Culimada, Madaxda dhaqanka, Haweenka, dhalinyarada iyo Dhamaanba shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaanan leeyahay Hambalyo—Hambalyo—Hambalyo Sannadka sannadkiisana waxa aan illaahay ka baryayaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo, guul iyo badhaadhe iyo Qarankeena Somaliland oo sii xoogaysta siina adkaada.

 

18-MAYwaa maalintii aynu xaqiijinay qaranka Somaliland, waa Maalintii innagoo isu-dhan oo aanay cidi innaga maqnayn gacmahana is haysanna ku heshiinay in aynu dhidibada u taagno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waa maalintii aynu ka bogsanay wixii inna soo maray oo aynu wada-jir u bilownay nolol cusubiyo dhismaha Dawladeed ee aynu gacanta ku hayno.

Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer oo ku siman tan iyo maalintii uu yimi isticmaarku, halgankaas oo dhiig badani ku daatay, naf iyo maal badanna lagu waayey, Waxaan Ilaahay uga baryayaaa intii ku shahiiday saraakiil, askar iyo shicibba lahayd ee naftooda ku waayey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

 

Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan hadday tahay kuwii xabada madaxa u dhigay ee naftooda u hibeeyay ee maanta nool, kuwii xoolahoodii geliyay iyo kuwii maskaxdooda iyo muruqooda geliyay ee daafaha dunida kala jooga, tacabkeenii wuu midho dhalay oo%