Somaliland Iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Oo Uu Shir Nabadgalyada Khuseeyaa Uga Furmay Hargeysa

0
535

Hargeysa (Geeska) – Waxa Shalay Shir uu Magaalada Hargeysa uga furmay Laamaha Amniga ee Dawladda Somaliland iyo Dawladda deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray Nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan ka Somaliland iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya, maaddaama oo ay Wadaagaan xuduud dheer ayaa waxa ka qayb-galay Taliyeyaasha Ciidammada kala duwan ee Somaliland, Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Dawladda dhexe ee Itoobiya iyo deegaanka Soomaalida.

Qoraal lagu faahfaahiyey Shirka khuseeya Nabadgalyada ee Hargeysa ku dhex maray Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Shalay lagu baahiyey Barta ay Wasaaradda Arrimaha guduhu ku leedahay Facebook isla-markaana Ciwaan looga dhigay ‘Kulan lagaga hadlayay Sii xoojinta Amniga bariga Afrika oo ka furmay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa’ ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Shirkani oo ahaa mid lagaga wada hadlayay sii xoojinta amniga iyo Nabadgalyada Dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa ka soo qayb-galay Masuuliyiin ka kala Socda Dalalka Somaliland Iyo Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sarreeye Gaas Nuux Ismaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL, Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin, Taliye ku-xigenka ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Xasan, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi-qani Maxamuud Caateeye dhinaca Dalka Itoobiya ayaa waxa iyaguna kulankani qayb ka ahaa Hoggaanka Nabadgalyada Dawladda deegaanka Soomaalida Dr. Xuseen Xaashi Qaasim, Taliyaha guud ee ciidanka xoogga gaarka ah ee Liyuu booliska, Genaraal Maxamed Axmed Muxumed, Wasirka xafiiska waraabka iyo dooxooyinka DDS Mudane Cabdiraxman Ciid Daahir, Taliye ku-xigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Itoobiya.

Kulankani oo saacado socday ayaa lagu gorfeeyay qaabkii si wada jira looga shaqayn lahaa xoojinta amniga, maadaama Deegaanka Soomaalida iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay wadaagaan Xuduud dheer, ayna yihiin shacab walaalo ah oo wadaaga Diin, Dhaqan, Af iyo Isir…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office