Berbera: Badda Oo Liqday Laba Dhallinyaro Ah Oo Dalxiis Ahaan Xagga Hargeysa Uga Tagay

0
504

Berbera (Geeska) – Allaah ha u naxariistee waxa ay Badda Magaalada Berbera liqday Laba Nin oo dhalinyaro ahaa oo ka tagay dhinaca Magaalada Hargeysa isa-markaana Dalxiis ahaan u tagay Berbera.

Labada Nin ee dhallinyarada ah ee Baddu liqday isla-markaana Geeriyooday ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Xaashi.

Taliyaha Hawl-galinta ee Ciidammada Booliska ee Gobolka Saaxil, Aamin Maxamed Cabdi oo la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa xaqiijiyey Geerida labadan Nin ee dhallinyarada ah “Saddex Nin oo Gaadhi Nooho ah watay ayaa wada socday oo Hargeysa ka yimid, laba Nin ayaa Go’ay (oo baddu liqday) labadiina waalla aqoonsaday, labada Ninba waalla garanayaa, waa laba Nin oo Reer Hargesya ah, Saacaddooda ayuun baa dhamaatay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Xaashi, labadaa Nin baa (dhintay) waxa la socday Saaxiibkood oo aan isagu waxba qabin, isagaa noo sheegay inay isku xaafad ahaayeen.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office