Somaliland Iyo Ingiriiska Oo Addis Ababa Ku Leh Kulan Ku Saabsan Digniintii Dawladda Britain

0
486

 

Picture3Addis Ababa(Geeska)-Dawladda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska ayaa magaalada Addis Ababa ku leh kulan hawleed ay kaga xaajoonayaan digniintii ay dawladda Ingiriisku ka soo saartay dhawaan ammaanka Somaliland.

Kulankaas oo la filayo inuu maanta u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qayb galaya wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo taliyaha sirdoonka Md. Jaamac Maxamed Bootaan, oo shalay ka ambo-baxay magaalada Hargeysa, halka ay dawladda Ingiriiskana uga qayb geli doonaan safiirkooda u fadhiya magaalada Addis Ababa iyo saraakiil kale oo ka iman doonta magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Waxa la filayaa inay kulankaas dawladda Somaliland ku weydiisato dawladda Ingiriiska faahfaahin la xidhiidha digniinta amni ee ay bixisay oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inaanay waxba ka jirin. Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Matt Baugh, ayaa hore u sheegay inuu ka mid yahay masuuliyiinta bixiyay digniinta, waxase uu sheegay inay wada hadal la leeyihiin Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, waxa la filayaa inay labada dhinac kulankooda xal kaga gaadhaan aragtiyahooda kala duwan ee la xidhiidha digniinta Ingiriiska.