Madaxweynaha Oo Xalay Taliye-xigeeno Iyo Abaandule-xigeen U Magacaabay Booliska, Asluubta Iyo Qaranka

0
663

 

imagesHargaysa( Geeska )- Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo , ayaa xalay digreeto madaxweyne waxa uu ku magacaabay laba taliye ku xigeen oo ciidamada booliska iyo ciidamada asluubta ah iyo waliba abaanduule ku xigeenka ciidamada qaranka.

 

Waxa uu madaxweynahu u magaabay taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada booliska Daahir Cali Wacays, sida oo kale waxa uu taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada asluubta u magaabay Cali Cumar Axmed, halka uu madaxweynahu u magaabay abaanduule ku xigeenka ciidamada qaranka Axmed Cawaale Yuusuf ( Libaax ).