Maxkamada Oo La Filayo Inay Maanta Mudayso Fadhiga Labaad Ee Dacwadda U Dhaxaysa Wasiir Xirsi Iyo Haweenay Farriin U Dirtay

2
499

 

nadraHargeysa(Geeska)-Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa la filayaa inay maanta mudayso fadhiga labaad ee dhagaysiga dacwad u dhaxaysa wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo haweenay lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac, oo ay hay’adaha dambi baadhistu ku eedeeyeen inay farriin cay ah u dirtay telefoonka gacanta ee wasiirka.

 

Sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyay Garyaqaan Sacad Yaasiin oo ah garyaqaanka u doodaya haweenayda eedaysanaha ah, waxa ay maxkamadu maalintii khamiistii dhagaysatay wejigii koowaad ee dacwadda, waxaana fadhigaas goob joog ka ahaa wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo uu garyaqaan Sacad sheegay inuu yahay dhibanaha iyo maraga koowaad. Sida uu garyaqaanku Geeska Afrika u sheegay, waxa la filayaa inay maxkamadu maanta mudayso fadhiga labaad, “Sabtida [Maanta] ayaanu filaynaa in maxkamadu noo mudayso fadhiga labaad ee dacwadda.” Ayuu yidhi Garyaqaan Sacad, waxaanu intaas raaciyay in dhagaysiga dacwadu u socdo hanaan cadaaladeed oo ay ku qanceen, “Aad ayaanu ugu qanacsanahay sida ay dacwadu u socoto oo waxaanu ku kalsoonahay garsoorenimada garsooraha dacwadda haya oo ah Jaamici cadaali ah.” Ayuu yidhi Garyaqaanku, waxase uu walwal ka muujiyay dulqaad la’aan uu sheegay inay ka muuqato xukuumadda Somaliland, “waxay ahayd mar haddii uu wasiirka madaxtooyadu hayo masuuliyad intaas leeg inuu dareemo in waxan iyo wax kaleba ay shacabkiisa kaga iman karaan ee uu u dulqaato, laakiin wasiirka iyo xukuumadduba may garanin ee waa taas dacwadii ay socoto.”

Mr. Sacad, wuxuu sheegay in aad loo adkeeyay ammaanka maxkamadda maalintii khamiistii oo dacwadan la dhagaysanayay, waxaana hareeraha maxkamadda la dhigay ciidamo Boolis ah oo joojinayay baabuurta marta jidka maxkamadda hormara. Dacwadan oo ah mid soo jiidatay indhaha bulshada, waxa loo dheg taagayaa fadhiga labaad iyo qaabka uu u dhaco.

Comments are closed.