Somaliland: Guddi Is-xilqaantay Oo Ku Taliyey In Mar La Wada Qabto Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Ururrada Siyaasadda

0
540

Hargeysa (Geeska) – Guddi Ganacsato ah oo isku xil-qaamay inay xal u raadiyaan khilaafka ka taagan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Furista Ururrada siyaasadda, ayaa soo jeediyey in mar la wada qabto doorashooyinkaasi oo la isku sidko.

Guddiga oo Maalmihii u dambeeyay si gaar gaar ah kulamo ula yeelanayey Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa War-saxaafadeed ay Caawa Hargeysa ka soo saareen isla-markaana ku socodsiiyeen Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida, waxay ku taliyeen in labada doorasho mar la wada qabto, maaddaama oo aanu dalku dhaqaale ahaan u qaadi karin in sannad gudihii dhowr doorasho la qabto.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Anaga oo ah ganacsato isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan doorashooyinka soo socda, waxannu la tashanay khubaro sharciyaqaanno ah shirar aannu yeelanay ka dib. Waxa noo soo baxday in arrinta la isku hayaa tahay mid sharci. Haddaba annaga oo ka duuleyna muhiimadda ay leedahay in golayaasha sharciga loo noqdo marka muran noocan oo kale ahi yimaaddo, waxaannu garannay in aannu talooyinkan u jeedinno golayaasha sharci dejinta.

1. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

2. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada.

Sababaha aannu ugu talinay in labada doorasho la isku sidko waa:

• Duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeenna ka jira sida abaaraha iyo sicir-bararka oo aan innoo suura gelineyn in la qabto laba doorasho oo muddo koobani u dhexayso oo ay ku baxayso labanlaab lacagtii ku bixi lahayd doorasho isku sidkan.

• Waxa sannadkii hore innoo qabsoomay laba doorasho oo isku sidkan oo noqday tusaale wanaagsan oo daariiq cusub innoo jeexay. Hadaba halkii saddex ama afar jeer doorashooyin la qaban lahaa shantii sannood ee kastaba, labada doorasho oo mar la wada qabtaa waxay innoo suura gelineysaa in laba jeer oo keliya doorashooyin la qabto 5-tii sannadoodba. Dalku ma awoodi karo in dhowr iyo tobankii biloodba mar doorashooyin la qabto.

Go’aankii maxkamadda sare iyo kaabista xeerarka ee golayaasha sharci dejintu waxay kor u qaadeysaa sarreynta sharciga iyo in la xoojiyo oo kalsooni la siiyo hay’adaha sharciga ee dalka, waxaaynay xal u noqonaysaa muranka imika taagan.

Waxannu ugu baaqeynaa xukuummadda, xisbiyada mucaaridka, ururrada siyaasadda iyo dhammaanba dadka reer Somaliland in ay golayaasha sharci dajein ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen.”

Guddiga Ganacsatada ah ee Talooyinkan soo jeediyey waxay kala yihiin Xaaji Aadan Axmed Diiriye, Cabdirashiid Maxamed Siciid, Cabdikariim Maxamed Iid, Ismaaciil Ibrahim Axmed, Maxamed Shukri Jaamac iyo Cabdillaahi Carab Ismaaciil.

Ugu dambayn, khilaafka taagan ayaa salka ku haya Doorashada Madaxtooyada oo Xisbiyada WADDANI iyo UCID doonayaan in wakhtigeeda lagu qabto iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo doonaysa in doorashada furistu ka soo horrayso Ta Madaxtooyada, iyadoo Xukuumaddu ku doodaysa in 10-kii sano ee Xisbiyada jiraa sharciga ahaayeen dhamaanayso bisha 12-aad ee sannadkan, sharciguna dhigayo in lix bilood ka hor dhammaadka Muddadooda sharciga ah la diwaangeliyo ururrada cusub, si doorashada loo qabto.

Geeska.net/Hargeisa Office