Somaliland: Goobaha Laga Samaynay Diwaangelinta Cod-Bixiyeyaasha Iyo Deegaannada Bariga Fog Kaga Jira

0
625

Hargeysa (Geeska) – Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Jadwalka Rasmiga ay ee Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, taasi oo bilaabmaysa 29-ka bishan November, 2020.

War-saxaafadeed uu Shalay soo saaray Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa lagu faahfaahiyey Goobaha diwaangelinta ka dhacayso, kuwaasi oo ay ku jiraan degmooyinka Badhan, Laasqoray, Dhahar iyo kuwo kale oo ku dhow xuduudka Somaliland la wadaagto Soomaaliya.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Si Waafaqsan Qodobka 44-aad ee Xeerka doorashooyinka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020 ayaa uu Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi 4-ta bisha November Wareegto ‘Xeer Madaxweyne’ ugu soo saaray Taariikhda Diwaangelinta Cod-bixiyeyaashu dalka ka bilaabmayso, iyada oo uu ku muddeeyay 29-ka isla bishan aynu ku jirno ee November, 2020.

Haddaba, KDQ isagoo Tixraacaya Wareegtada Madaxweynaha isla-markaana gudanaya Waajibaadkiisa iyo awoodihiisa Dastuuriga waxa uu Maanta (Shalay) oo ku Taariikhaysan 07 November, 2020 si rasmiya ugu dhawaaqayaa Jadwalka guud ee Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, kaasi oo ku faahfaahsan Shaxdan Hoose.

Wejiga koowaad, Gobolka Awdal, Degmada Gabiley, Deg, Baligubadle iyo Deg. Sallaxley, 29-ka November illaa 02 December, Wejiga labaad, Degmada Hargeysa iyo Gobolka Saaxil 13-ka December illaa 16-ka, 2020. Wejiga saddexaad, Gobolka Togdheer, degmada Caynaba, Degmada Gar-adag iyo Degmada Ceel Af-weyn, 27-ka December illaa 30-ka December. Wejiga 4-aad, Degmada Ceerigaabo, Deg. Badhan, Degmada Dhahar, Degmada Laasqoray, Degmada Laascaanood, Degmada Xudun, Degmada Taleex, 10 January illaa 13-ka January, 202.

Muddada u dhaxaysa 29-ka November illaa 13-ka January, 2021, waxa la diwaangelinayaa Cod-bixiyeyaasha aan hore isku diwaangelin iyo kuwa hadda gaadhay Da’da Cod-bixineed ee ay dammaad-qaadeen Xeerarka iyo Dastuurka dalka oo ah 15 Jir. Diwaangelintu waxay ka dhici doontaa dhammaan Goobaha Cod-bixineed ee dalka JSL, waxayna socon doontaa muddo afar Maalmood ah degmo doorasho kasta.

Waxa KDQ uu si weyn uga digayaa dhammaan Bulshada JSL, in aanay isku dayin hal mar wax ka badan inay is-diwaangeliyaan, qofkii hore isku diwaangeliyey ee isku daya inuu mar kale is-diwaangeliyo waxay waayi doontaa xaqa Cod-bixinta, waxayna geli doontaa Dadka Hal mar wax ka badan is-diwaangeliyey (Duplicate).

Cod-bixiyeyaasha hore isku diwaangeliyey sannadkii 2016-kii ee ay ka lumeen kaadhadhkii ama doonaya Goob beddel, waxa loo shaqayn doonaa marka ay dhammaato diwaangelinta Dadka cusub. KDQ wuxuu ku war-gelinayaa dadka aan hore isku diwaangelin inay deg-deg isku diwaangeliyaan, kana faa’idaystaan wakhtiga isla-markaana helaan xaqa is-diwaangelineed iyo Cod-bixineed ee Dastuurkoodu u dammaanad qaaday..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office