Somaliland: Dawladda Oo U Digtay Muwaadiniinta Isku daya Inay Ka Qayb-galaan Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya

0
785

Hargeysa (Geeska) – Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland  ee Maanta oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga hadlay hadal Dawladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay in Dadka Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya lagu dooran doono Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiirrada oo sidoo kale lagaga dooday Xeerka waddo-marista oo muddo hor-yaallay ayaa laga soo saaray War-murtiyeed u qornaa sidan: “Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.

Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.

Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.

• Amniga

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabadgelyo ee dalka.

• Xeerka gaadiidka iyo waddo marista.

Goluhu wuxuu dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka. Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo wadooyinka.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.