“Qaab-dhismeedka Siyaasadeed Ee 3-da Xisbi Ee Somaliland, Waa Qaab-dhismeedkii Xisbigii Hanti-wadaagga Ee Siyaad Barre…”

0
591

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Caanka ah ee Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa dhaliilay qaab-dhismeedka Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland.

Ismaaciil ayaa sheegay in qaab-dhismoodka siyaasadeed ee Saddexda xisbi ee WADDANI – UCID iyo KULMIYE la mid yahay kii Xisbigii hanti-wadaagga uu Madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Tiwitter-ka ayaa sheegay in Qaab-dhismeedka saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland uu la mid yahay kii xisbigii Hanti-wadaagga ee ka talin jiray dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.

Buubaa oo sheegay in Kali-talisnimo ka dhex jirto Xisbiyada Somaliland, ayaa qoraalkiisa oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan “Qaab-dhismeedka siyaasadeed ee 3-da xisbi ee Somaliland, waa qaab-dhismeedkii Xisbigii hanti-wadaaga ahaa ee Xukuumaddii Madaxweyne Siyaad Barre. Dhaqankooda keli-talisnimadu ku dheehan tahay, wuxuu ka soo maaxaa qaab-dhismeedkooda siyaasadeed. Na badeen = Na bareen..” !!

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xilligan safar ku jooga Dalka Turkiga.

Geeska.net/Hargeisa Office