Somaliland: Dad Kale Oo U Dhintay Covid_19 Iyo Kuwo Cusub Oo Uu Soo Ritay

0
617

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa Shalay Shaacisay Tirada Dad Hor leh oo laga helay Xanuunka iyo weliba Hal Qof oo u Geeriyooday Xanuunka Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid_19 Warbaahinta siiyay ayaa shaaciyey Kiisas cusub.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in Sabtida Shalay Xanuunka laga helay 11 Qof oo cusub, taasi oo tirada Dadka Xanuunka qaba ee Somaliland ka jooga ka dhigaysa 34 Qof.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in hal qof oo kalena u Geeriyooday Covid_19, kaasi oo tirada Dadka Xanuunka dalka ugu Geeriyooday ka dhigaysa 4 Qof. “Waxaan idiin sheegayaa in Xaaladdeenii hore ay ku soo korodhay 11 Qof, 11-kaa qof 10 ka mid ah waanu haynaa, Qofkii kalena Allaah ha u naxariistee uu u geeriyooday xanuunka, markaa dhimashadu waxay maraysaa 4 qof, halka Bogsashadu weli 3 Qof tahay.” Ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dhammaan Dadka Xanuunka laga helay ay yihiin Hargeysa, wax safar ahna aanay gelin  “Dadkan laga helay Xanuunku waa wada Hargeysa.” Ayuu yidhi, waxaanu farriin u diray Bulshada “Waxaynu ku jirnaa bil Ramadaan, waxaynu arkaynaa inuu xanuunkii fidiyo, Dadku Guryahooda ha ku cibaadaystaan..”

Somaliland ayaa dhawaan Hawl-gelisay Mishiinka lagu ogaado Dadka qaba xanuunka Covid_19, kaasi oo ay ka heshay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxaana illaa xilligaa la joojiyey Dheecaannadii dalka dibeddiisa lagu soo baadhi jiray.