Somaliland Bussines Fund Oo Ku Dhawaaqday 59 Ganacsade Oo Ku Guulaystay Maalgelinta Mashaariicda Adduunka

0
601

 

Picture1Hargeysa (Geeska)-Munaasibad lagaga dhawaaqay tirada ganacsatadii ku guulaysatay deeq lacageed oo Baanka aduunka, Ingiriiska iyo Denmark ugu tallogaleen kobcinta ganacsiga Somaliland ayaa lagu sheegay  inay ku guulaysteen 59 ganacsade oo kala degan dhamaan deegaamada Somaliland.

Munaasibadaa oo ka soo geybgaleen wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, madax ka socotay Baanka aduunka, Denida iyo masuuliyiinta fulinayey mashruuca SBF, iyo warbaahinta, kana dhacday huteel Maansoor, ayaa ugu horeyn, isu-duwaha mashaariicda horumarinta ganacsiga gaarka Somaliland ee Baanka Aduunka,  Najiib Xasan Xaashi, oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay, “Ujeedada kulanku waa  sii deynta qeybtii hore mashruucii Somaliland Business Fund. Waxa halkan fadhiya guddiga qiimaynta mashaariicdii la soo gudbiyey, oo gudoomiye u yahay Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Dr. Sacad C. Shire, xubno ka yihiin wasiirada Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Ganacsiga, iyo xubno kaloo kala duwan.”

Michael Engmann, madaxa mashaariicda Baanka aduunka ee Somaliland, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay, “Masuuliyiinta wasiirada, xubnaha saxaafada , rag iyo dumar, annigoo ku hadlaya afka Baanka Aduunka, waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan gaadhnay wakhti aan ku dhaqaano ganacsatadii ugu horeysay ee ku  guulaysta deeqaha mashaaruuca Somaliland Business Fund. Ganacsatadaasi waxay ballanqaadeen inay ku maalgeliyaan Somaliland ilaa $ 4 milyan dollar, oo kala badh yihiin deeq ka timi sanduuqa ganacsiga Somaliland, abuurina doonta ilaa 600 shaqo, iyo shaqooyin kaloo xilliyo ah. Sanduuqa ganacsiga Somaliland oo maalgeliyaan Baanka Aduunka, hay’adda DENIDA iyo Ingiriiska, ayaa qeyb ka ah mashaariic badan Somaliland laga hirgeliyo, maantana ka Somaliland Bussines Fund ka hadlayno.”

Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Qorsheynta Qaranka, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay, “Maanta (shalay) waxaan isugu nimi munaasibad aad iyo aad u qaali ah, yartahayna nooceedu inay inna soo marto. Sidii madaxa Baanka aduunku u sheegay, mashruucan waxa la doonayaa in lagu maalgeliyo ganacsatada wadanka. Deeqo badan ayaa sannad walba layna siiyaa, laakiin, deeqdani waxay kaga duwan tahay kuwa kale, kow, tartan bay u galeen dad gaadhaya 1,750, tartan furan oo xalaal ah buu ahaa, oo guddo iyo dibedba laga xayeysiiyey. Marka labaad, dadka waxa laga codsaday in qof walba waxuu doonayo inuu qabto soo gudbiyo, ci duma doorin, deeqaha layna siiyo waxay u badan yihiin mashaariic cid kale soo curisay. Baanka aduunku waxuu bixiyey laba milyan dollar, dhinaceenana ila alaba milyan dollar ayaa ka imanaysa, isugeyna ilaa $4 milyan oo dollar ayaa Somaliland la gelinayaa.”

 Denis Dunn, madaxa mashruuca Somaliland Business Fund, oo ka hadlay munaasibadda ayaa sheegay, “waxaan bilownay mashruucan badhtamahii September, sannadkii hore, waxa na soo gaadhay codsiyo gaadhaya 1,750, xaqiiqdii hawl culus ayey ahayd, waana sababta keentay inay wakhti qaadato qiimayntoodu, wakhtigana waxaan ku faraxsanahay inaan soo gaadhay shaacinta 59 ganacsade oo ku guulaystay deeqdaa, lana shaacin doono magacyadooda 11 bishan. Waxa muhiim ah in deeqahan 40% ku baxayso goboladda ka baxsan Hargeysa, sidoo kalena, saddex meelood meel haween yihiin. Dhowaan bisha dambe waxaan bilaabi doonaa qabashada codsiyada wareegii labaad.”

Kulan dhici doona 11 bishan ayaa la sheegay in lagu shaacin doono magacyada 59 ganacsade ee ku guulaystay helitaanka deeqaha baanka aduunka. 

1750 codsi oo ay heshay SBF wareegii 1aad, waxaa ku guulaystay 59 mashruuc oo deeqaha yar-yar ah oo u dhigma 2 millyan oo Dollar.