Axmednagaashe
Nairobi
Suurto gal maaha in ay wadari wada qaldantahay, waana qadaf in eedda la wada saaraa. Waxase cinwaanka qoraalkani sidaa ugu dhiirraday waa in hay’adani tahay meesha qudha ee isku keenta waxa suxufi sheegta intooda ugu badan ee dalka ku nool, dhaliil iyo wixii ay wanaag falaanna waa hubaal in ay iyadu tahay ta qaadanaysa. Afeefina waa ii intaa.
Suxuunta madhan ee aan sheegayaa waa inta ugu liidata ummadeena ee hadana isku qaaday mihnadaha ugu qiimaha badan ee adeegga ummadeed. Waa dhamaan warfidiyeennada ka hawlgala warbaahinta Somaliland, marka laga reebo inta faro ku tiriska ah ee garaadka iyo garashadaba leh. Xorriyada qoraalka iyo fidinta wararka ee aan aqoonin xuduudda karaamada qofka iyo wadanka ee ay suxuunta madhani u haystaan inay iyaga oo keli ahi ku saxanyihiin xaqna u leeyihiin marka la raaco waa xalaal in gar iyo gardarroba wax laga sheegaa, waana halka uu ka duulayo qoraalkani.
Suxuunta madhan iimahoodu waxay ka billaabmayaan in aan lagala gabbane lagu yidhaa waxaad tihiin buro ceebeed oo ku taal foolka Somaliland. Garasho iyo garaadba inaad ka arradantihiin waxa ka marag ah maangaabnimadiina aydinaan ku kala sooci karin xayndaabka u dhexeeya xorriyadiina iyo xaqa qofka kale, qiimaha qaranka iyo qabax maalmeedka u hanuunsan maandooriyaha qaadka. In aydinaan garanayn waajibka idin saaran iyo xaqa aad leedihiin, xorriyada hadalka iyo xurmaynteeda.
In qalinka aad sidataan hadh iyo habeen idin habaarayo waxa ka marag ah oohinta joogtada ah ee af-soomaaliga aydaan garanayn odhaahdiisa iyo adeegsigiisa toona iyo sidaad ugu bahdishaan feegarka. Inkaarta mihnada saxaafaddu idiin marto maalin iyo layl waxa ka marag ah muuqiina iyo afkiina cagaaran ee ay riyaha garaabada u borotamaan.
Intaas oo dhami waa cay loo badheedhay oo aad ku qasbantihiin in aad aqbashaan illayn xorriyatul qawlka idinkaa sidan u yaqaane. Ha xanaaqina suxuunta madhaneey, maaanta markiinii baa la idiin darayaaye!!
Aqoon darrada suxuunta madhan iyo sawaxan kooda dheer waxa kuu caddaynaya marka aad is tidhaahdo akhri waxay qoreen ama aad dhagaysato marka ay ka hadlayaan telefishanada. Qof aan garanayn luqada uu ku hadlayo iyo halka uu eray waliba ku haboonyahay baa kuu muuqanaya. Waxa intaa dheer iyagoo mar walba aan hagaajinin qoraalkooda oo ay kugu adkaanayso inaad fahamto mararka qaarkood waxa ay doonayaan inay tabiyaan. Tusaale ahaan waxa kuu muuqanaysa ceebta laf jabka ah ee guudkooda saaran marka aad aragto qoraal sidan oo kale ah “Magaalada berBera” iyo wax la mid ah. Waxa wax lala yaabo ah in qoraalkoodu xataa ka hooseeyo feegarka caruurta uulada ah ee farbarashada ku jirta. Waxa aad markiiba is waydiinaysaa tolow qofkani miyaanu waligii fasal dhex fadhiisan oon macallin wax u sheegin. Waxan xasuustaa maalin wasiir hore oo ka tirsaanaa xukuumada Somaliland markuu ka yaabay ku yidhi, bal aad anaga na caydaanbee waxaad qoraysaan iska hagaajiya illayn saxaafaddii dalkaad sheeganaysaan oo dad baa akhriyaya waxaad qoraysaane.
Sawaxanka suxuunta madhan waxa kale oo ka mid ah in ay ka arradanyihiin kalsoonida naftooda iyo af-Soomaaliga wadankooda lagaga hadlo, waxaad arkaysaa qof aan Somaliland waligii dhanna u dhaafin oo qoraya ama ku hadlaya af-wallawayn. Tusaale ahaan erayada ay ka soo xigtaan macalimiintooda wallawaynta ah waxa ka mid ah “ka dhawaajiyay” “ Shir looga hadlaayo” iyo wax kaloo la mid ah. Ma garan karaan inay fahmaan erayada qallooca inay ummad dhan war u tebiyaanna way doonayaan. Bal hadda hadii siday yidhaadaan aynu u dhadhansano hadalka, shir ma arrimo la gorfaynayaa lagaga hadlaa, mise waa looga hadlaa? Bal adba! Waxaad arkaysaa iyagoo ku lehDigtoore, Injineere, bisha Maarso iyo wax la mid ah, erayadaasi ma kuwo lagaga hadlo wadanka Somaliland baa mise waa qaar ay ugu faruuryo xidhanyihiin kuwa haga iyaga?
Garasho la’aantooda xagga mihnada iyo tabinta wararku waxay kuu muuqanaysaa marka aad aragto iyagoo ku leh maqaaxiyaha waxa laga lahaa!! Tabinta wararku ma in ay cantarabaqashka suuqa yaal soo ururiyaan baa mise waa raadinta xaqiiqada iyo helida warar sugan. Waxa kale oo suxuunta madhani caan ku yihiin in aanay garanayn waxa ay ka hadlayaan waxa uu yahay, oo waxaad arkaysaa mid doonaya inuu qof masuul ah ama hawlo gaar ah aqoon gaar ah u leh waraysto oo aan garanayn xataa masuulkan uu waraysanayo xilkiisu waxa uu yahay iyo awoodaha wasaarada uu ka tirsanyahay leedahay iyo waxay u igmantahayba.
Waxaad arkaysaa iyagoo doonaya inay soo bandhigaan dhaliilo jira, tusaale ahaan garsoorka wadanka ka jira oo halkii ay iyagu xogo sugan baadi goobi lahaayeen ka dhigaya qof keli ahi waxa uu u sheegaa inay tahay xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah. Waxay waydiiyaan in jago banaan laga qaaday ama lagu qabsaday oo keli ah. Ka dibna ujeedadoodu kuu muuqanayso inay tahay “ Mar hadii qof sheegay in jago banaan ama guri lagu qabsaday ama laga qaaday garsoorka wadanku caddaalad kuma shaqeeyo” waxan xasuustaa barnaamij dhan oo saldhigiisu sidaa iyo wax aan dhaamin ahaa oo ka bixi jiray mid ka mid ah telefishannada. Waxa kale oo wax lala yaabo ah in aanay garanayn in waajibka ugu wayn ee saarani yahay inay bulshada u soo badhigaan wixii ka qarsoon ee aanay ula iman waxay bulshadu kaga haasawdo maqaaxiyaha.
Waxay aad iyo aad u dhaliila is yidhaahdaan xukuumada dalka ka jirta iyagoo doonaya inay tilmaamaan fadeexado jira iyo ku takri fal hanti umadeed ama maamul qalloocday. Hase ahaatee marka aad u fiirsato habka tabintooda waxa kuu muuqanaysa in aanay garanaynba xataa cidda ay dhaliilayaan waxa ay qabato iyo shuruucda wadanka u yaallaa waxay yihiin. Tusaale kooban, dhawaan waxa la xidhay masuuliyiin lagu eedeeyay inay musuqmaasuqeen raashin mucaawimo ah hase ahaatee sida ay suxuunta madhani u tabinayeen dhacdadani waxay ku tusaysaa in aanay garanaynba waxa socdaa wuxuu yahay. Waa hubaal oo qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in maxkamad lagu hor geeyo sida ugu dhakhsaha badan, hase ahaatee maxkamad lama gayn mooyee wali suxuunta madhani kamay hadal in bilaysku ka codsadeen maxkamada inay wakhti dheeraad ah u ogolaato inay sii hayaan masuuliyiintaa inta ay baadhitaanada soo dhamaystirayaan iyo in kale. Hadii aanay xataa taasi jirin waxay ahayd inay soo hubiyaan oo soo xaqiijiyaan, nasiib darrose suxuunta madhani waxay ku mashquulsanyihiin uun waxay u yaqaanaan xorriyatal qawlka oo ah dhawaaqa uu sameeyo tenegga madhani marka la garaaco.
Xorriyatal qawlka iyo suxufinimada waxay u haystaan in ay tahay in mar kasta loo yeelo dawlada dhaliil oo lagu sheego wax kasta oo qaldan maadaama ay tahay xukuumadii dalka iyaguna yihiin warbaahin xor ah, isma waydiiyaan waxan ay sheegayaan ma yahay wax la caddayn karo ama xataa uu qaadan karo maanka dadka aad wax u tebinaysaan. Waa suxuun madhan iyo caadadood!
Ugu danbayntii bal hada aan inyar ka idhaahdo suxuunta madhani sida aanay uba aqoon in waajib qaran iyo dareen wadaniyadeed saaranyahay. Waxaad arkaysaa iyagoo doonaya inay dhaliilaan masuul ka mid ah xukuumada oo hadana ku hadlaya wax lid ku ah karaamada wadanka iyo haybada qarankooda. Cayda badheedhka ah ee ay waraaqahooda iyo Website-yada xaafadaha ee ay ku feegaraan ugu qoraan madaxwaynaha Somaliland ayaa ka mid ah in xaalkoodu yahay xorriyatul qawlku waa in la hadalaa uun xaqiinuna waa wax uun feegara!!
Aqoon darradooda iyo ceebtooda ay faraqa ku sitaan waxaad arkaysaa marka ay soo xigtaan wargeys qalaad wax uu ka qoray dalkii ay joogeen ee ay u ahaayeen suxufiyiinta, ku darsoo waliba hadii ay si saxan u soo turjumi karayaan waxba ma sii xumaadeene waxay soo qaataan war aan ahayn ka uu qoray wargeyska ay soo xiganayaan! Suxuunta madhani waxay garan la’yihiin in ay iyaga fadeexad ku tahay in qof qalaad oo wadan fog joogaa uga warramo wadankoodii ay ka hawlgalayeen.
Suxuunta madhan maxaan kula yaabaa, SOLJA oo hooyadood ah baa hadh iyo habeen la soo taagan hebel baa la xidhaye soo daaya, iyadoon marnaba ka garaabayn qaladka ay galayaan suxuunteeda madhani! Mar qudha kama maqlaysid masuuliyiinta xarunta suxuunta madhan in ay qaldami karaan ama ay qaldameenba iyo inay ka garaabaan qaladaadka muuqda ee ay ku kacaan intay matalaan. Suxuunta waawayni, waa SOLJA lafteedee waa nimanka iyagoo afka garaabo ku wada haya intay soo fadhiistaan telefishanada ku doodaya sharcigii bay dawladu jabinaysaa, hadii la yidhaahdo sharciga ay dawladu jabisay noo sheegana aan dhaafin karin xorriyatal qawlkii baa meel lagaga dhacay!
Ugu danbayntii kolka aad yaabto waxaad ku qancaysaa in ay yihiin kulli wada madhan SOLJA iyo suxuunteeduba!
Comments are closed.