Ciidamada Booliska Oo Madaarka Berbera ku qabtay 7 dhallinyaro ah oo laga shakiyay oo ka yimid Muqdisho

0
784

madarka-berbera2Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee madaarka Berbera ayaa khamiistii qabtay 7 wiil oo dhallinyaro ah oo diyaarad ka soo raacay magaalada Muqdisho,.

Ma jiro war rasmi ah oo ay ciidamada ammaanku ka soo saareen qabashada dhallinyaradan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika, u xaqiijiyay in dhallinyaradaas oo diyaarad ka soo raacay magaalada Muqdisho, laga shakiyay ujeedada socdaalkooda iyo weliba sababta xilligan keentay safarkooda wada jirka ah, waxaanu warku sheegay in lala yeeshay waraysiyo kala duwan ka dibna xabsiga loo taxaabay. Wararka uu Geeska Afrika helay waxay intaas ku dareen in dhallinyaradaas la doonayo in dib loogu masaafuriyo magaalada Muqdisho, laakiin ay diayaradii la saari lahaa shalay ka buuxsantay, balse la filayo in maanta la saaro diyaarad kale.

Dhallinyaradan oo ay ciidamada amaanku ka shakiyeen inay Somaliland u yimaadeen falal amniga wax loogu dhimayo ayay wararka qaar sheegayaan inay suurtogaltahay inay u socdeen safaro dhinaca Tariibka ah. Taliska waaxda socdaalka oo aanu isku daynay inaanu xadhiga dhallinyaradan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Laakiin waxa la sheegay inay dhallinyaradan ku jiraan kuwo da’yar oo ay tahay markii u horaysay ee ay Somaliland safar ku yimaadaan.

Qabashada dhallinyaradan ayaa waxay ku soo beegmaysaa wakhti uu gobalka Geeska Afrika heegan buuxa kaga jiraan kooxda Al-Shabaab, waxaanu dhawaan madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ka digay in laga digtoonaado firxad dagaalyahanada Al-Shabaab.