Socdaalkii John Kerry Uu Ku Yimid Muqdisho Iyo Sida Looga Qariyay Madaxda Soomaaliya

0
567

Picture7Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya safar saacado qaatay oo kedis ah ku tagay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mr. John Kerry oo toddobaadkan safar ku joogay wadamo ka tirsan Bariga Afrika. Socdaalka John Kerry, ayaa ahaa mid la qariyay oo aanay xataa madaxda Soomaaliya ka war qabin, waxaanu madaarka Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, raysalwasaarihiisa iyo madaxda maamul goboleedyada Somaliya oo ah Puntland, Jubaland iyo maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, mana uu dhaafin diblomaasigan Maraykanka ahi madaarka Muqdisho.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, safarka John Kerry ayaa gebi ahaanba ahaa mid sirtiisa aad loo adkeeyay, waxaana xataa laga qariyay madaxda Somaliya oo lagu wargeliyay in sarkaal hoose oo Maraykan ahi uu wadankooda Somaliya imanayo, kaas oo markii dambe noqday John Kerry.

Wargeyska The Guardian ee Ingiriiska ayaa isna shalay qoray in safarka xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka laga qariyay madaxda Somaliya, waxaanu Wargeysku sheegay in safarkiisa madaxweyne Xasan Sheekh loo sheegay maalin ka hor, sababo amniga ah dartood, iyadoo intii ka horaysay uu warka ku hayay inuu Muqdisho ugu tagayo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Linda Greenfield-Thomas.

Xasan Sheekh ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku ku yidhi. “Gudaha magaalada Muqdisho aad ayuu uga duwanyahay sidii uu sannado ka hor ahaa, waddooyinku ma wanaagsana, baabuurtuna way ku badantahay oo jidadku waa mashquul.” Hase yeeshe John Kerry ayaa ugu jawaabay, “jidadku waa mashquul !!!. Caadi ayaad ku soo noqonaysaan.” Isagoo u muuqda inuu la yaabay in jidadka Muqdisho ay baabuurtu mashquulisay.

Wuxuu John Kerry oo Xasan Sheekh la hadlayaa yidhi, “Marka dambe ee aan imaado, waa inaan awoodaa inaan suuqa dhex lugeeyo.”

Safarka xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanku ku yimid Muqdisho ayaa muujinaya sida uu u danaynayo Maraykanku arrimaha wadanka Somaliya, waxaana kulanka uu Xasan Sheekh la yeeshay intiisa badan diiradda lagu saaray la dagaalanka Al-Shabaab.