SOCDAALKAYGII /SAFARKAYGII CEERIGAABO

0
987

Picture1

Nolosha iyo Dadka:

1-dii Bisha 11aad ee sannadkan aanaynu ku jirno ayaan safar shaqo ugu kicitimay dhankaa iyo bariga Somaliland gaar ahaan gobolodda Saraar, Sanaag iyo qayb ka mid ah gobolka Sool.  Subaxnimo 1dii bisha ayaan ka baxnay magalladda Burco aniga iyo dhowr qof oo kale oon la socday, Waxaan sii soconaba goor ay tahay 6;30 fiidnimo ayaan gaadhnay magaladdan u ciil qabi jirey aragtideeda ee Ceerigaabo, intii aan dhexda ku sii jirey waxay maskaxdaydu is weydiinaysay  sida ay u eegtahay ceerigaabo?  , waxaan isasa ii weydiinayay tolow ma sida Hargeysa iyo Boorama ayay buuro ku yaalaan ? tolow dhismayaal side ah ayay leedahay? Tolow .. tolow , goor taan gaadhnay ayaan helay jawabtii , isla wakhtigii aan galnay ba waxaan la xidhiidhay asxaabtii qaaliga ahayd ee reer Ceerigaabo oo heegan ugu sii jirey siday noo soo dhaweyn lahaayeen noona qaabili lahaayeen. Iyadoo xiisaha aan u qabbay weynaa , waxaan isla saacadiiba codsadday inaan magalladda soo arko , gaadhi ayaan qaadanay waxaana lay soo tusay magaalddii sida ay u eegtahay wakhtiga habeenkii , ceerigaabo waa magaalo fiidka laka hoyata , oo qof kastaa gurigiisa iska tago oon la mid ahayn Hargeysa oo leh goobo lagu caweeyo , ama wakhti lagu qaato xilliyadda habeenkii.Ceerigaabo waxaa laga casheeyaa goor hore oo casar u dhow , waxaana dhaci karta inaan weydo casho haddaad wakhti fiidka ah is tidhaa ka doono goobaha cuntadda lagu iibiyo ama laga cuno .

Habeenkii oo dhan aniga oo ku sugnaa guri kheyr qabbay oo marwo milgo iyo sharaf lihi nagu soo dhaweysay , naguna marti galisay iyadda iyo sawjkeedii iyo labadeedii gabdhood ee yaryaraa. Habeen badhkii oo dhan  kolba jidhkaygu waxa uu qaban la’aa gogosha , maskaxdayduna waxay ahayd si u qaadan la’a inaan ku suganahay magaaldda Ceerigaabo oon ku hamiyay aragtideeda muddaddii afartii sanno ee u dambeysay ba ahayd !. waxaan maqli jirey “ ladi wayay hurdadda” aniga ayaa farxad darted ladi wayay hurdadii habeenkii oo dhan. Naftaydu waxay sugu kari la’ayd intuu waagu ka baryaayo. Alhamdulilah waagii ayaa baryay, waxaan horey ka qabsanay shaqaddii aanu u tagnay meesha , kadib ayaa naloo kaxeeyay xagaas iyo meelaha ugu qurux badan dhulka Somaliland ku faanto ee loogu yeedho buurta Daalo! Intii uu gaadhigu sii socday waxay naftaydu lahayd , miyuu diyaarad noqdo , si ay u dhawaato dariiqa loo marayaa. Waxba yaan hadal kugu daalinee waxaan gaadhnay buurtii Daalo, indhahaygu markii ay arkeen ba waxaa isku qasmay dareenkaygii , waxaan kari wayay inaan hore u helo erayo aan ku cabbiro dareenkayga iyo farxadda ku lamaanayd! . wakhti  fiican baan ku soo qaatay inaan dhan kasta ka eego quruxda dabiiciga ah ee goobta , iyo dharta kala nooca ah, buurta, iyo qurux deegaanka iyadda oo dhagahayga kusoo noqnoqonaysay heestii “ Naftu waxay dareentaa, Innagoo dalxiisoo, Daalo aynu joognee,” .

 Ceerigaabo iyo jidadka:

Magaaladdii Ceerigaabo muuqaal ahaan  waxyaalaha aad ka ii soo jiitay waxaa ka mid ahaa qayb ka ay dhisan tahay oo ah qaab si fiican loo habeeyay oo leh (town plan) fiican .waxaa ka socday dhismayaal jiddadka ah oo magaaladda dhex maraya. Waxaad arkaysaa qalabkii dhismaha jidadka magaaldda dhexdeeda oo yaal iyo baabur ka shaqeynaysa dhismaha. Horumar ayaa ka muuqda magaaladda iyo sida ay dadku ugu soo jeedaan qurxinta magaaladda.   Dadka waxaan weydiinayay dareenkooda ku aadan dhisamaha jidka Ceerigaabo , inta aan la kulmay na waxay ka mahad sheeganayeen inta hadda la dhisay ee u dhaxeysa ceel-afweyn iyo ceerigaabo oo ahayd sida ay sheegayeen intii ugu adkayd, ugana dhibta badnayd, oo ay kala kulmi jireen dhib iyo inuu wakhti badan kaga lumo isu socdaka labaddas goobood.  Jidka u dhaxeeya Ceerigaabo ilaa Ceel-afweyn ilaa hadda waxa dhisan , 21KM oo daamur ah, iyo  120 km oo carro kaawo ah daamur na diyaar u ah . dhanka meesha lagu magacaabo Ina Afmoobe oo ah dhanka xigta magaaladda Burco ee jidka Ceerigaabo ka bilaabmay waxay dhisan tahay 10 KM walina way socotaa.huda

 jidka Ceerigaabo run ahantii waa jid aad u dheer una baahan halgan iyo wax u huris si ay u fududaato isu socodaka dadka iyo booqashadda goboladda bari iyo galbeed ee Somaliland.  Safarkaygii waxa uu ceerigaabo kaga soo dhamaaday aniga oo diidan inaan ka tago oo durba la soo qabsanayay nolosha magaaldda.  Waxaan uga sii baqoolnay dhankaa gobolka Sool annaga raacnay jidka ban cadde layidhaa, soo na marnay goobo ay ka mid ahaayeen Badd Weyn oo ah goob taariikh leh kuna caan ah biyo fadhiisan weyn oo kaluun ku nool yahay , jawigeedana aad moodo xeeb, waxaan u sii dhaafnay degmadda Oog oon shaqo kasii qabanaynay, Oog lafteeda intaan ku sugnayn waxaan dareemayay kulayl badan inuu jiro , waxaaban isku idhi dhulkani ma dhul xeebbeed baa ? waayo waxaan dareemayay kulaylkii sida markaa aan joogo Bulahar iyo Ceelsheekh oo kale ka mid ahayd meelihii aan ka hor intii aanan arag eenan ku soo marin socdaalkan aan hadda iyo jeer odhan jirey tolow goormaan arki doonaa , ama goormaan booqan doonaa?  Waxaan map ka kasii eegoba Ilaahay ayaa qadaray inaan safarkan kusoo maro goboladda bari ee Somaliland qaybo ka mid ah oo ay ugu mudan tahay Ceerigaabo. Socdaalkaa dheer waxa uu ahaa mid aan dal iyo dad ba ku soo bartay runtii oon aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu kabaxay riyaddii uu igu ahaan jirey run na noqday.

Alxamdulilah ILaahay baa mahad leh, waxaan u mahad celinayaa mar labaad dhamaan dadkii nagu soo dhaweeyay goboladda kale duwan, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa reer Ceerigaabo Abdinaasir Axmed Xaji Adam Afqalooc, Caasha-Kiin Siciid, Cabdikarim Maxamed Cumar Australia , Caydaruus Sange, waxaanan marnaba iloobayn dadkii qiimaha iyo wanaaga badnaa ee safarka igu wehelinayay Abdishakur Maxamed Cabdi, Randa Mustafa Haybe, iyo Cabdiraxman Cige oo gaadhiga noo wadday.

W/Q:- Nuural-Huda Cali Banfas