Siyaasiyiin Miisaan Culus Oo Cududoodii Ku Biiriyay Waddani Iyo Khudbadihii Ay Jeediyeen

0
663

 

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiinta kala ah xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Eng. Aadan Daahir Maxamed (Aadan-dheere) iyo Cabdi Haybe Maxamed, oo horkacaya taageerayaal tiro badan ayaa shalay si rasmi ah taageeradoodii ugu wareejiyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana loo sameeyay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Ambassador Hotel.

ttttttttttttttttttt

Saddexdan siyaasi oo hore uga tirsanaa urur siyaasadeedkii Xaqsoor, ee aan ka mid noqon ururadii u soo gudbay xisbiyo, waxay sheegeen inay sahan ay galeen ka dib ay go’aansadeen inay taageeradooda u wareejiyaan xisbiga Waddani oo ay u arkeen inay danta umaddu ku jirto. Ugu horayn xildhibaan Cabdiqaadir jirde oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay taageerayaashoodu keeneen xisiga Waddani “Dadku iyagaa na keenay halkan [Waddani].” ayuu yidhi xildhibaan Jirde

Isagoo hadalkiisa sii wata islamarkaana tixraacaya hadalo lagu soo hadal qaaday  guddoomiyaha KULMIYE  Muuse Biixi oo madasha laga jeediyay, wuxuu xildhibaan Jirde yidhi “Maan jeclayn halkan in laga magac dhabo Mujaahid Muuse Biixi, waa nin dalka abaal ku leh, xisbina madax ayuu ka yahay, cod ayaanu doonayaa, codkaas siduu u shaqaysataa isagay u taalaa, laakiin annaga maanta waxa noo muuqatay wanaaga dalka, badbaadiisa iyo wada lahaanshihiisu Waddani in l doorto inay ku jirto. Annagoo ixtiraam u hayna asxaabta kale caad nagama saarna maanta baahida taalaa ee maslaxada umada iyo dalku ku jirtaa inay tahay in Waddani la doorto, maaha in Cabdiraxmaan iyo Muuse ii kala dhawyihiin, inaan kala jecelahayna maaha ee maanta waxa na keentay danta dalku halkay ku jirtaa, waxaanan aragnay in Waddani la doorto oo barnaamijkiisa lagu doorto.”

Xildhibaan jirde, wuxuu taageerayaashiisa ugu baaqay inay is diiwaangeliytaan islamarkaana ay qaataan kaadhka xisbiga Waddani.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay in Beelaha Arab ay taageeradoodii u wareejiyeen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ka dib markii sida uu sheegay ay ku hungoobeen xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wuxuu Cabdi Haybe sheegay inaanay xukuumadu waxqabadka ka qayb gelin gobalka Hawd iyo deegaanada kale ee ay beeshu degto, isagoo xusay inaan hal Ceel biyood laga qodin deegaanada beesha, “Sidaas darteed waxaan qabaa inay dantu ku jirto halkan [Waddani] aanu maanta joogno ee reerku u soo guurayo.” ayuu yidhi Cabdi Haybe.

Eng. Aadan Daahir Maxamed (Aadan-dheere) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay go’aankan ka qaateen ka dib markii ay hore guddi ugu direen xisbiga Waddani kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen Sahan, “Ruug cadaa ayaanu Waddani u soo dirnay sahan noo ahaa, beeshu markay guurayso sahan ayay dirataa, runtii waxaanu u soo dirnay raggii sahanka ahaa, sahankiina way soo celiyeen, waxa guddoonku noqday beeshu inay soo guurto oo ku soo biirto xisbiga Waddani. Waxaanu go’aansanay beeshu inay guurto oo u guurto xisbiga Waddani.” ayuu yidhi Eng Aadan.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay siyaasiyiin iyo Mujaahidiin iyo haween tiro badan oo dhammaantood sheegay inay taageeradooda u soo wareejiyeen xisbiga Waddani