Farriinta Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Iyo Jawaabta Jamaal Cali Xuseen

0
693

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa murahaxa madaxweyne ee Xisbiga UCID u diray farriin uu ku sheegay inaanay waxba u oolin xisbiga UCID.

llll

Suldaan Maxamed ayaa hadalkan wuxuu shalay ka sheegay munaasibad loo sameeyay siyaasiyiin culus oo ku biiray xisbiga Waddani, “Xisbiga UCID wuxuu noqday xisbi shakhsi leeyahay, dabadeedna waxaan dan mooday oo xaqiiqa oo la arkay in xishigaasi umadda aanu waxbana u ahayn, waxna u tarayn waxna u qabanayn.” ayuu yidhi Suldaanka oo isagoo Jamaal la hadlaya yidhi “Anigu ceelka guntiisii waan ogahay waxaan kugula talin lahaa yaan been lagugu haasawinin run haddii aad doonayso waxaan leeyahay jamaaloow meesha waxba kuuma yaalaan ee yaan wakhtiga lagaa luminin”

Jawaabta Jamaal

Jamaal Cali Xuseen, oo u waramay weriye Najax Aadan Cunaaye oo ka tirsan HCTV, ayaa ka jawaabay hadalka Suldaanka, waxaanu yidhi “Aniga Suldaanka waxa iigu war dambaysay Axadii, dee oday weyn oo hadalo badan ka yidhi saxaafadda kulankii ay odayaashu yeesheen ayuu ahaa, xisbiga UCID raggii iigu yeedhay markii iigu horaysay ayuu ahaa, raggii damaanad qaaday ayuu ahaa ee Faysal soo kaxaystay.”

Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa isu kay qaban waayay hadalkii uu Axadii yidhi iyo hadalkan uu maanta yidhi waa laba cirka iyo dhulka isu jira, aniga hadalkii suldaanka iigu dambeeyay wuxuu ahaa inaan cidna laga yeeli doonin inay xisbiga keligeed duuduub ku haysato.”