Siyaasiyiin Ka Socda Beesha Cabdiraxmaan-Cirro Oo Xalay Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Guurtida Iyo Ololaha Lagu Hayo Gudomiyaha Wakiilada Oo Xoogaystay

15
582

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dagaalada siyaasadeed ee ay xukuumadda Somaliland ku hayso guddoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u muqda inay sii xogaysanayaan, kuwaas oo uu yoolkooda koowaad yahay sidii looga qaadi lahaa xilka guddoomiyaha golaha wakiilada.

Dagaalkan lagu hayo guddoomiye Cirro oo ka dhashay laba qodob oo kala ah isku shaandhaynta uu ku sameeyay golaha wakiilada iyo shirka doodda qaran ee uu xisbigiisu la qaatay xisbiga UCID, ayaa la sheegayaa inay xubno wasiiro ah iyo dhawr xildhibaan dejiyeen qorshihii lagu ridi lahaa, taas oo ay wararku sheegayaan in guddoomiye Cirro laftiisu u diyaar garoobay sidii uu isaga difaaci lahaa.

Warbaahinta ayaa maalmihii u dambeeyay qoraysay in guddoomiyaha Golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan uu guddoomiyaha golaha wakiilada ka codsaday inuu xilka iska casilo, waxaana shalay dhinacooda isu abaabulay odayaal siyaasiyiin ah oo ka socda beelaha Habaryoonis ee uu ka soo jeedo guddoomiye Cirro, kuwaas oo xalay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay guddoomiyaha Guurtida. Sida ay ilahaas xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika, odayaasha ka socday dhinaca guddoomiye Cirro oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Oday Deyr Maxamed, ayaa guddoomiye Saleban u sheegay inay u socdaan xog raadin la xidhiidha waxa ka jira wararka sheegaya in gurigiisa laga soo abaabulo qorsheyaasha ka dhanka ah guddoomiye Cirro. Sida ay wararku sheegayaan guddoomiye Saleban ayaa odayaashaas u cadeeyay inaanu marna ku talin in xilka laga qaado guddoomiyaha Golaha wakiilada islamarkaana aanu ku talin doonin, iyadoo la sheegay inuu cadeeyay inuu yahay oday guurti ah oo dhex u ah umadda iyo xisbiyada.

Geesta kale, waxa soo baxay warar sheegaya in la diyaariyay kharash lagu qiyaasay $ 300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar) oo la sheegay in loogu tallo galay in guddoomiye Cirro kursiga lagaga tuuro, taas oo ay wararka qaar sheegayaan in laga soo ururiyay dhawr nin oo dawladda mashaariic malaayiin dollar  gaadhaysa ka qaata.

Si kastaba ha ahaate dagaalka muuqda inay xukuumadu ku hayso guddoomiye Cirro ayaa haddii uu banaanka u soo baxo wuxuu sababi karaa in dalku galo xaalad siyaasadeed oo adag iyo murano uu heerkoodu gaadho gobalo, kuwaas oo aanu dalku wakhtigan qaadi Karin.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (cirro) ayaa go’aankiisa ay labadiisa ku xigeen ku laaleen isku shaandhayntii uu ku sameeyay guddiyada golaha wakiilada, wuxuu ku eedeeyay in laga soo abaabulay qal ay jaar yihiin aqalka golaha wakiilada, taas oo loo qaatay inuu madaxtooyada ula jeedo.

 

Comments are closed.