Hargeysa: Xabaallo La Baloodheeyay Iyo Qaylo-Dhaanta Dadka Ehelkoodu Ku Aasan Yihiin

18
598

Picture6Hargeysa (Geeska) – Xabaallo ku yaala Galbeedka Magaalada Hargeysa, gaar ahaan inta u dhaxeysa Kaantaroolka Buurta Kala Jeexan Iyo Cisbitaalka Shifo, ayaa lagu wareejiyey Sees isla-markaana baloodho loo qaybiyey si loo iibiyo ama loo dhisto, waxaana arrintaasi ka cadhooday qaar ka mid ah ehelada dadka xabaalahaasi ku aasan oo sheegay in dadka seeska u samaystay dhulka Xabaaluhu ku yaalaan ay habeen walba u soo diraan dad Itoobiyaan ah, si xabaalahaasi qaar ka mid ah dib loogu soo foqo oo lafaha qofkii ku jiray meel kale loogu wareejiyo.

Dadka deggan deegaanka ku xeeran xabaallahan la seestay oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay halkaasi, ayaa sheegay in dadka seestay isla-markaana doonaya inay xabaalaha dib u qodaan, markii ay ogaadeen  isla-markaana talaabadaasi ka diideen ay ugu hanjabeen inay xidh-xidhi doonaan haddii aanay lafaha dadkooda kala bixin xabaalahaasi.

Caaqil, Maxamed Cabdi Geelle, oo xaabalahaasi uu ku aasan yahay aabihii oo geeriyooday 1964-kii, oo cabasho xoog leh ka muujiyey awoodda ay u adeegsanayaan dadka doonaya inay xabaalahaasi dadka ku aasan ka saaraan, ayaa isaga oo ka hadlaya  yidhi “Aabahay wuxuu ku jiraa Qabrigaa aan dul taaganahay, wuxuuna dhintay 1964-kii, 50 mid la’ ayuu halkaasi ku aasan yahay , markii lagu aasay meeshu ban cidlo ah ayay ahayd, dhulkii caynkaa ahaa waxaan maanta (Shalay) dul-taaganahay  xabaashii aabahay  iyo xabaalihii kale ee agagaarkiisa ahaaba sees-baa ku wareegsan”

Caaqil Maxamed Cabdi Geelle, waxa uu sheegay in muddo afartan cisho ah uu xabaasha ka ilaalinayey in la soo faqo “Dhibkaasina 40 habeen ayuu na haystay oo aanu habeen iyo dharaarba ku soo noqonaynay si aanay uga iman dunuub kale oo dadka ku faafta, laakiin waxa Xabaashii loo soo diraa dad lagu hagayo Moobeyl (oo la leeyahay xabaasha soo foqa), cidda aanu u tirinayno hawshaa ee annigana igu tidhi ka saar aabaha Xabaasha annigaa leh (Dhulka’e),” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninka sheeganaya meeshan marka aanu wada hadallo ee aanu ku idhaahdo waar sharciga, wuxuu iga horkeenaa arrimaha gudaha annigaa kaaga horeeya oo ehel-baan ku leeyahay ee adigu ma ehel-baad ku leedahay, haddaan booliska soo hadal qaado, qaar la mid ah ayuu meesha (Xabaasha) iigu keenaa”

Caaqilkan oo aad u murugaysan isla-markaana uga xun in lagu khasbo inuu aabihii ka soo saaro xabaashii lagu aasay 50 sano ka hor, ayaa yidhi “Ninka meesha aabahay ku aasan yihiin sheeganaya ee seestay wuu ii hanjabaa wuxuuna ii keenaa askar direyskii xidhan iyo hubkiina sita, markaa markii aan arkay in meelihii nabadgalyada ee aan uga caban lahaa la leeyahay iyagaa nala qaba, markaas ayaan go’aansaday inaan dhawaaqayga ilaa Madaxwaynaha gaadhsiiyo ilaa Wasaaradda diinta iyo Awqaafta, waxaanan codsanayaa in arrinta uu Madaxwaynuhu si deg-deg ah wax uga qabto oo uu u amro meelaha ay khusayso, sharciga ayaan ka hoos-taganahay in xabaalahaasi dhulka ay leeyihiin (La taabto)”

Arrintan, waxa kale oo ka hadlay shakhsiyaad ka mid ah dadwaynaha deggan deegaanka ku xeeran xabaalahan la seestay, waxayna ka digeen in haddii aan arrintan wax laga qaban oo dawladdu aanay baa’biin seeskan ay dhibaato ammaan daro ka iman doonto.

 

Comments are closed.