Siyaasiyiin Iyo Diblumaasiyiin Caalami Ah Oo Ka Hadlay Socdaalka Weftiga Ka Socda Koongarayska Maraykanku Ku Joogaan Somaliland & Xaaladda Soomaaliya

0
689

“Somaliland, 30-kii sano ee u dambeeyay waxay ku socotay oo ay qaadaysey Tallaabooyin is daba joog ah oo ku wajahan sidii loo aqoonsan lahaa, Laakiin Soomaaliya weli waxay ku dheggan tahay dhoobada..”

Hargeysa (Geeska) –  Waxa soo badanaya diblumaasiyiinta iyo Dadka siyaasadda Maraykanka doorka ku leh ee ka hadlaya Weftiga ka socda Koongarayska Maraykanka, kuwaasi oo weli Somaliland ku sugan.

Diblumaasiyiinta soo dhaweeyay Safarka Weftigaasi, waxa ka mid ah Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini, Ambassador Timbor Nagy,

Ambassador Timbor Nagy, waxaanu qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wefti ka socda Kongarayska Maraykanku ay booqdaan Somaliland.

Nagy wuxuu sheegay in Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn, balse dedaalaya oo qabsanaya wixii karaankiisa, sidaasi darteed Weftiga ka socda Maraykanku ay bilow u yihiin Socdaallada xaqiiqo-raadinta ah.

Timbor Nagy ayaa sheegay “Aad baan ugu faraxsanahay booqashada wefti ka socda Koonkarayska Maraykanku ay booqasho ku tagaan Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland, waa waddan dhab ahaan shaqaynaya oo samaynaya intii karaankiisa ah, haddii ay dunidu aqoonsan tahay iyo in kale..”

Nagy wuxuu sheegay in Weftiga Maraykanka ahi ay bilow u yihiin xaqiiqo-raadinta lagu samaynayo Xaaladaha Somaliland “Waftiga Maraykanka ee booqday Somaliland waa bilow wanaagsan oo dhanka xaqiiqada ah..” ayuu yidhi.

Sidoo kale, John Rosenberg oo ah khabiir ku takhasusay amniga qaranka Maraykanka iyo Afrika oo ku sugan Washington, ayaa isaguna ka hadlay Weftiga ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanka ee socdaalka ku yimid Somaliland.

John Rosenberg oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay inuu arko Wefti ka socda Koongarayska Maraykanka oo socdaal ku tagay Somaliland “Waa wax lagu farxo inaynu  aragno Weftiga Kongarayska Maraykanka ee Somaliland safarka ku tagay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Tallaabadani u wanaagsan tahay go’aan qaadashada Maraykanka ee ku waajahan dhinaca Siyaasadda Afrika, isagoo xusay inuu sugi kari la’yahay ama degdegsanayo inuu maqlo War-bixinta Weftiga Maraykanka ahi ka soo saari doonaan Safarkooda Somaliland “Ma sugi karo inaan maqlo war-bixinta safarkooda..” ayuu yidhi John Rosenberg.

Sidoo kale, waxa isla arrintan ka hadlay George Anderson oo ah Weriye Madaxbanaan iyo Cilmi-baadhe.

Qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Twitter-ka, ayuu ku sheegay in Somaliland tahay dal la tijaabiyey, kaasi oo 30-kii sanadood ee u dambeeyay u socday dhinaca horumarka “

Waxaa la tijaabiyay xirfadda diblomaasiyadeed Somaliland, hoggaaminta iyo kartida Somaliland, waxaana la caddeeyey inay tahay meel sare” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland, 30-kii sano ee u dambeeyay waxay ku socotay oo ay qaadaysey Tlaabooyin is daba joog ah oo ku wajahan sidii loo aqoonsan lahaa..”

Weriye George Anderson, waxa kale oo uu qoraalkiisa isku barbar-dhigay Somaliland iyo Somaliland, waxaanu sheegay in halka Somaliland ay horumar ku socotay 30-kii sanadood ee u dambeeyay, ay Soomaaliya dhoobada ku dheganayd “Koonfurtu (Soomaaliya) weli waxay ku dheggan tahay dhoobada” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in muran ka taagan tahay xilliga la qabanayo doorashada Soomaaliya, taasi oo muujinaysa halka Soomaaliya marayso ama Xaaladdeeda runta ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office