Taliye Nuux Ismaaciil Taani Oo Ka Hadlay Masuuliyadda Ciidammada Qaranku U Xil-saaran Yihiin

0
588

Hargeysa (Geeska) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay muhiimadda iyo kaalinta ay Ciidamadu kaga jiraan Dalka, waxaanu xusay in waajibkoodu yahay inay xadka iyo amnigaba sugaan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo sidoo kale ka hadlay qalab caafimaad oo la soo gaadhsiiyey Shalay wuxuu yidhi “Annaga waxa baad nagu aaminteen, waxaad nagu aaminteen amniga qaranka, inaanu qarankaas ilaalino siduu u jiri lahaa iyo siduu horumar u gaadhi lahaa, in aanu xadkiisa iyo amnigiisi ilaalino ayaanu masuul idinka nahay, idinkuna waxaad nagu taageerteen idinkoo na qiimaynaya in aad ciidamadiina aad wax tartaan,Caafimaadka iyo Tacliintuna Waa labada shay ee ugu muhiimsan ee Caafimaadkii baad noo keenteen, ha yaraado ama ha ha badnaado meel weyn buu nagaga dhacay…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office