Siyaasiiin KULMIYE Ka Tirsan Oo Guul Diblomaasiyadeed Ku Tilmaamay Socadalka Uu Madaxweyne Biixi Ku Tagay Addis Ababa

0
1191

Hargeysa (Geeska)-Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ee ka tirsanaa xukuumadii hore ee Siilaanyo, ayaa guul diblomaasiyadeed ku tilmaamay socdaalka uu Madaxweyne Biixi ku tagay Itoobiya iyo kulanka uu la yeeshay Raysalwasaare Abiye Axmed.

Cali Maxamed Warancadde iyo Saleban Ciise Axmed Xaglatoosiye oo xilalka Wasiirada daakhiliga iyo caafimaadka ka soo qabtay xukuumadii Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay socdaalkaas.

Ugu horayn Cali Warancade oo u waramay Geeska Afrika wuxuu yidhi “Sida fiican ee Raysal-wasaaraha Itoobiya u qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, runtii waxay muujinaysaa xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya,oo runtii muddo dheer soo socday, oo maalinba maalinta ka dambeeya soo koroya, oo waliba dhinaca wanaagsan u koroya, waxaana labada dal ka dhexeeya xidhiidh dheer oo jaarnimo, oo ku dhisan is ixtiraam, is fahan iyo in la iska kaashado hawlo badan, oo ka dhexeeya labada Wadan, sidaas awgeed xidhiidhka labada dal, waa xidhiidh isku soo dhaweeyey labada shacab ee labada dal, waana xidhiidh u bahaan in halkaas laga si iwado, oo labada dal noqdaan laba dal oo walaalo ah, oo runtiina aad iyo aad loo tayeeyo ganacsiga ka dhexeeya, sidaas awgeed waan soo dhaweeynayaa sida diiran ee Raysal-wasaaraha Itoobiya u soo dhaweeyey Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka soo kala dhex galay Wadamada Somaliya iyo Kenya ayaa yidhi “Waxaa muuqata in Somaliya aanay ka jirin Dawlad hagaagsani, oo dalkaas masuul ka ah, waxaana muuqata in dhibaatada taagan uu Maamulka Somaliya masuul ka yahay, waayo Somaliya iyo Kenya xuduud cad bay lahaayeen laakiin waxaa muuqata in Maamuladii Somaliya u kala dambeeyey ay Kenya ka iibiyeen Dhul iyo Khayraadkoodiiba, ama ay ku wareejiyeen, taas oo imikaba Maxkamaddo ku jira, waagii hore muu jirin wax muran oo ah oo dhinaca xuduudaha oo Kenya iyo Somaliya, mar haddii ay shalay Kenya dhulkooda iyo baddoodaba ka iibiyeen, maantana waxay dhici karta inay cid kale ka iibin karaan, waxaana tani keenaysa isku dhac xoogan oo labadaas dali isku dhici karaan, nimankii Maamulka Somaliya waxay isku bedeleen dilaaliin, dhinaca shidaal ah, waxayna runtii si fool xun u maamulayaan hantidii umaddooda, nimankaas maamulka Muqdisho wey ku fashilmeen xidhiidhkii Wadamada dariska la ah, sida Jabuuti, Somaliland, Itoobiya, Kenya iyo Yugandha, umadda Somaliya ee dagaalada iyo dhibaatooyinku aafaayeen maamulka Muqdisho meel ay u wadaan ciddi garan mayso, waana niman Siyaasada la heehaabaya”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka soo kala dhex galay labada dal iyo kaalinta Somaliland uga banaan ayaa yidhi “Kenya waxaa inaga dhexeeya xidhiidh wanaagsan, waxaynu nahay laba dal oo Ingiriisku soo wada xukumi jiray, umad badan oo reer Somaliland ah ayaa Kenya degan, kuwaas oo bari hore tagay, kuwaas oo magac iyo sharaf ku leh, runtiina Kenya xidhiidh  aad u fog baynu lahayn,haddii xidhiidhkii Kenya iyo Somaliya xumaaday, waxaynu inagu ku soo dhaweeynaynaa xidhiidh fiican inaynu yeelano Kenya, waxaana leeyahay waa inay Kenyana qayb weyn ka qaatada ictiraafka Somaliland”

Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xagalo-toosiye), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guul dublamaasiyaasadeed ayaan ku tilmaami karaa Socdaalkii Madaxweynaheena ee Dalka Itoobiya, Raysal-wasaaraha Itoobiya, si aad u qurux badan oo aad u qiimo badan buu u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Wasiiradii la socday,qodobo muhiim ah oo loo baahnanaa labada dhinac wey ka wada hadleen, balse Madaxweyne Muuse Biixi mawqif wacan oo loo baahna ayuu ka istaagay arinta Somaliya, ha noqoto wada hadalka labada dal ama ha noqoto xidhiidh fiican oo ay yeeshaan labada dal”.

Dhinaca kale Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xagalo-toosiye), ayaa ka hadlay biyo yaraanta laga sheegayo inay deegaano ka tirsan Somaliland ka jirto, waxaanu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaadho meel kasta oo dhibi ka jirto, waxaanu sidoo kale ku baaqay in dadka dhibaataysan ee Somaliland in la caawiyo, isla markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here