Jaamac Karaaciin Oo Mar Kale U Soo Jawaabay Siciid Ismaacil

0
1201

Hargeysa(Geeska)-Jaamac Maxamuud Aadan ( Jaamac Karaaciin),  ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inay maxkamad isla galaan  Siciid Ismaacil oo mudooyinkii danbe ay dhaliilo hawada isu marinayeen.

Jaamac Karaacin oo caan ku ah ciyaaraha fudud ayaa la soo xidhiidhay Geeska Afrika waxaanu hadalkiisa ku bilaabay dhaliilo uu u jeediyay Siciid oo hore u ahaa la taliyaha ciyaaraha fudud ee Somaliland “ Siciid waxa uu yidhi ma ihi nin baahan waxaanan ahay nin shaqadiisa ka adag, Siciid haddii uu baahan yahay  iyo hadii aanu baahnayanba markii Xamar Laga soo eryay anigu waxaan isugu nimi Sucuudiga isaga oo matalaaya Somaliya,markii uu laabtayna waxa la arkay in aanu shaqadii ka soo bixi karayn oo waatii la eryay halkan markii uu yimi dadku may aqoon laakiin anagu waanu naqaanay waxa uu yahay waa la soo dhaweeyay, oo waxa laga dhigay la taliyaha wasaarada ciyaaraha boqol doolar oo guno ah ayuu qaadan jiray oo ah inuu yahay la taliye markuu waxba ku soo kordin waayay mudo dheer ayaa laga jaray, waxaanu colaad u qaaday wasaaradii,fadareeshinkii halkaas ayuu dadka oo dhan iska wada raaciyay.”

Jaamac Karaacin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay“Markaas maxkamada aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaanu isla tagno qofwaliba waxa uu hayo uu soo dhigo bada, Siciid waxaan leeyahay burhaantaada keen, waana inoo sidaas iyo maxkamada.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here