Siyaasi Muniir, Wuxuu U Baahnayahay Inuu Cadaalad Helo Maxamuud Axmed Jaamac

0
639

Xadhiga siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga Waddani, wuxuu u muuqdaa inuu yahay mid siyaasadeed, waayo waxa lagu haystaa dambi ah inuu la dagaalamay Jaamac-Jiir.

1

Jaamac-jiir;  Muniir lama dagaalamin, qaybna kama ahayn dagaalkiisa, laakiin inamada ka shaqeeya hoteelka Xaraf ayaa isagoo hoteelka ka sii baxaya ku yidhi ninkan hebel sii qaad, dabadeedna wuu sii qaaday waana qaadistaas dambiga Muniir lagu haystaa.

Marka ay sidaas tahay waxa intaas dheer Jaamac-Jiir wuxuu sheegay inaanu Muniir la dagaalamin ee uu ku haysto inuu ninkii waxyeeleeyay gaadhigiisa ku qaaday, markaas waxa xadhiga Muniir uu yahay mid siyaasadeed, ee maaha xadhig kale oo loogu haysto dambi uu galay.

Waxaan haddaba xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqayaa in si cadaaladeed loo dhagaysto  kiiska Muniir oon la siyaasadayn, waxaanan annaga iyo isaguba taaganahay Muniir halagu soo cadeeyo dambiga loo haysto oo aan ahayn maxaad xisbiga Waddani ugu biirtay eed ugu ololaynaysaa.

Waxaan markaas ku soo koobayaa maqaalkayga, Muniir dambi ma gelin aan ahayn xisbiga Waddani maxaad ugu biirtay.

Maxamuud Axmed Jaamac

Burco,