Maraykanka Iyo Ruushka Oo Ka Wada-Hadlaya Xaaladda Syria

0
559

Maraykanka iyo Ruushka ayaa haatan baadi-goobaya jidad cusub oo looga gudbi karo is-mari-waaga diplomaasiyadeed ee dhexyaalla Maraykanka iyo Ruushka ee ku aaddan habka loo joojinayo dagaalka magaalada Xalab ee dalka Syria, sidaana waxaa laga soo xigtay Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka.

1

Kerry ayaa sheegay in aragtiyahan cusub laga wada hadli doono inta ay socdaan wadahadalo toddobaadka soo socda dhex mari doona Maraykanka iyo Ruushka.

Kerry oo hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa kulan saxaafadeed ay Roma ku wada qabteen Wasiirka Arrimaha Debedda ee Talyaaniga ayuu ku baaqay in la sii wado dedaallada ku aaddan hawlaha gargaarka bini’aadanimo ee magaalada Xalab.

Geesta kale ciidamda dalka Suuriya iyo xulufadooda ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen degmo kale oo ku taala bariga magaalada Xalab.

Qabsashada demadan ayaa waxa ay timid iyadoo xalay oo dhan madaafiic culus lagu garaacayay bariga magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ayaa hadda waxa ay si toos ah u maamulaan waddo muhiim ah oo isku xidha galbeedka magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee ugu weyn magaaladaasi.

Qabsashada degmadan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in 60% dhulkii fallaagadu ay ka talin jireen ee bariga magaalada Xalab uu hadda gacanta u galay ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda Suuriya oo kaashanaya maleeshiyaad Iraan lala xidhiidhinayo iyo taageero ay ka hesho dowladda Ruushka ayaa wax ka yar saddex isbuuc gudahood markii ay guluf hor leh billowday waxa ay ku qabsatay saddex degmo oo hor leh. Kummanaan qof oo rayid ah ayaa u qaxaya galbeedka magaaladaasi oo ay dowladdu maamusho.