Siyaasi Cabdilaahi Daamur Oo Sheegay In Golaha Wakiiladu U Baahan Yahay Shir-gudfoon Khibrad Leh.

0
670

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiillada looga baahan yahay inay noqdaan Rag khibrad iyo waayo-aragnimo leh, oo Golaha isku wadi kara, waxaanu xusay inuu aad ula yaabay in Deegaanka ugu kuraasta badan ee Golaha Wakiilada in Isbahaysigu ku soo dari waayaan Shir-gudoonka.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi ‘Sheekada aadka u dheeratay ee Golaha Wakilada shir gudoonkiisa, Shir gudoonka Golaha Wakiiladu runtii miisaankiisa ayuu leeyahay, laakiin ka badbadin badan baa ku dhex jirta, sababo badana wey jiraan, sababahaas waxaa ka mid ah rag wax doonaya ayaa fara batay, markii hore waxaa laga yaaba inay koobnayeen Guruubyada wax doonaya, laakiin waxaa la yidhi haddii uu Kuugu bato Maraqa ayaa fasahaada, oo xumada, waxaa sii qasaya oo walaaqaya arinka Raggii waxan danta ka lahaa, ayaa fara batay, oo waliba ay ku badatay dhinaca Mucaaradka,Afar nin oo Madaweyne doonaya ayaa dhariga wada karinaya, midba meel buu milixda kaga darayaa, ciyaarta qaybteedii hore laba ayaa ka hadhay, oo dadku u haystaan inay ku dhex jiraan, afartaas nin ee wax doonayey ee Isbhaysiga, laba markiiba dabada loo dhigay, laba jooga, ee ciyaarta qaybteedii hore inay labadaasi soo baxaan ayey ku soo dhammaatay, qaybta labaad ee la sugayo haddii Shir gudoonka ay ku soo baxaan Isbahaysiga, labadaas ku soo baxay ayey ciyaartu dhex ooli doontaa, haddii uu ku soo bixi waayaana Isbahaysigu wax buu waayey, markaas wey ka wareegtay, filimka qaybta ugu cajiibsan ee ugu qosolka badani waxaa weeye in guruub ka mid ah guruubka deegaanada, oo ah guruubkii ugu lambarka badnaa, in lagu qanciyey idinku halkaas fadhista oo waxba ha doonina, oo ay ku qanceen oo ay ogolaadeen, taasi waxay dhalisay inay ciyaartu sidan u dhacdo, oo galin horeba lagu kala calaf qaado, waxay dhalisay Rag Xisbi yahano ahaa oo Xisbi wax u doonayey in daaqada laga tuuro, dhaawaca ku dhacay Xisbiga, dhaawaca ku dhacay deegaanada codka badan keenay, dhaawaca ku dhacay dadkii hanka u lahaa inay Xisbiyadani hana qaadan, dhibaatadaas oo dhami waxay ka dhacday hawl-galkaas aan idin sheegayo”.

Mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada ee cusub wuxuu yidhi “Marka aad Golaha eegto waa Gole qiimo badan, 82 waa Rag aan kala dhicin, laakiin Siyaasadu dadka wey ka hoostaa, waxaa laga yaaba inuu qofku ku cusub yahay waxan maalmahan socda, dabadeena uu qaato rayiga la leeyahay rayigan baa shaqeeynaya,waxaa muhiim ah saddexda nin ee halkaas soo fadhisanaya, saddexdaas nin la kala doorto saddexda ay noqonayaan, saddexdaas nin inay noqonayaan saddex nin oo qiimo leh oo qaranka u tudhaya, oo khibrad u leh oo Xisbi yahano ahaa, oo la yaqaano, haddii ay saddexdaas nin yihiin, Goluhu wuxuu noqonayaa Gole is raacsan, oo shaqeeynaya, oo kala dambayn yeelanaya, haddii ay yihiin saddex ay wax kale ku lifaaqan yiihin oo imika isku yimid oo isla jaanqaadi karayn, Goluhu wuxuu noqonaya Gole aan isla jaanqadi karayn, Golahani waa Gole loo han weyn yahay, xilliga uu ku beegan yahay waa xilli xaasaasiya, xilliga uu ku beegan yahay waa xilli loo baahan yahay inay Jamhuuriyadu hore u sii socoto, fursad badan bay haysta, fursadaha badan ee ay haysto waxaa ka mid ah deganasho wanaagsan, weynu haysana, dadkii oo ILLAAHAY quluubtoodii isku keenayo oo ay wanaagsan tahay, dariskii oo culays badani inaga haysto oo maanta ILLAAHAY inaga dulqaaday, waxaan raynayaa inay Shaqadooda qabsan doonaan,, wixii xeerar ka dhinaana ay qabsan doonaan”

Dhanka kale Siyaasi Daamur ayaa guul ku tilmaamay Xeerka furista ururada siyaasada Somaliland, ee Golihii hore Wakiilada iyo Golaha Guurtidu ansixiyeen, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inuu Madaxweynuhu saxeexay, waxaanu ku baaqay in aan maranaba aan dib loo celin, ee loo baahan yahay in mar kastaba Madaxweynuhu meel mariyo, isla markaana Xeerkan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office