Siddee looga guulaysan karaa shaqo la’aanta baahsan ee waddanka faraha kulul ku haysa?

0
1440

W/Q: Maxamed Ismaaciil (Baalo)

Waa tii hore loo yidhi “ cudurka galla fardaha haddii laga gubo dameer dawadiisa lama gaadho”, siddaa awgeed malaha waxaa habboonayd inaga oo ka bilaawna qoraalkan; maxaa horta keena shaqo la’aant ama haddii si kale u dhigno shaqo la’aantu imisa nooc ayay ka koobban tahay? Su,aashani waxay mihim u tahay innaan garano dhibteena.
Qollooyinka ku takhasusay dhaqaalaha waxaa shaqo la,aanta u qaybiyaan qaybo badan, balse waxaa lagu soo uruuriyaa afar. Waa ta  kobaad waxaa la gu magacabaa (Frictional unemployment), waxaa ka mid ah aradayda Jaamacaddaaha ka qalan jabiya ee aan wali shaqo hellin, qofka magaalo kale ka soo guurray ee shaqo la wali. Macno ahaan (fricitional) waxaa weeyi waxa qof ka hor- is-taaga innuu shaqo helo, tusaale ahaan, ardayda jaamacaddaha ka baxaayaa waayo aragnimo badan oo shaqo ma leh taasina waxay keentaa in ay ku adkaato in ay shaqo helaan.  Waxaa dabiibka shaqo la’aantani tahay in jaamacaddahu la shaqeeyaan ganacsatada iyo haayaddaha dawligga ah si ay ardayda jaamacadda dhigata u helaan fursad ay ku helaan waayo aragnimo shaqo oo ku takhasusta camalka ay dhiganayaan markaa. Midda kale, jaamacaddaha waxaa xil wayn ka saaran yahay in ay dhigaan oo ay hidisaan barmaamujyo waxbarasho oo ku habboon waddanka , tusaale ahaan kaluumaysiga iyo beeraha.

Qayb kale oo shaqo la,aanta ka mid ah Iyana waxaa lagu magacabaa (structural unemployment) oo ay keento marka xirfadii dhaqaalaha waddanku u bahnaa laga waayo bulshada waddanka ku nool oo ay bartaan ama ku takhasusaan xirfaddo kale oo aan dalka looga bahnayn.  Dhibta igu badan ee shaqo la,aanta waddanka keentaana waa tan. Markaad afar ama saddex sannadood oo business administration-ah oo ku dhisan ribo aad jaamacadda ka soo barrato iyo habka maalgashiga bangiyada caalamku u shaqeeyo, ee markaad dhamayso ee suuqa aad timaado lagu yidhaa waa xaraan ee aad waydo shaqo ku habboon waxaad soo baraty sow dhib wayn ma aha.  Dabiibka ama sidda looga  guullaysan karo shaqo la,aanta noocana waxaa kow ka ah in la fahmo xirfadaha dhaqaalaha waddanku u baahan yahay oo la hormariyo, tusaale ahaan, kaluumaysiga, beeraha, sidda bangiyada islaamku u shaqeeyaan, warshadaaha iyo wax soo saartka, IWM. Somaalidu aniga shakhsi ahaan waa xoolo raacato balse waxaa habboonayd in ay noqdaan xoolo dhaqato oo ay fahmaan sidda looga ganacsado xoolaha nool oo looga faa,iidaysto.

Qaybta sadexaaad ee shaqo la’aanta waxaa la yidhaa (Cyclical unemployment) oo ay keento marka dhaqaale burbur u uku yimaado waddanka tani waa wax caadiya oo waddan walba soo food-saarta. Tan waxaa lagula tacaalaa in ay dawladdu maal galiso ialaha dhaqaalaha ee waddanka. Ta igu dambaysaa waxaa la yidhaa (seasonal unemployment), qaybtani waxa dhaliyaa wakhtiyada kala duwan ee sannadku ka kooban yahay. Tusaale ahaan, dadka ku nool magaalo xebeedka waxaa laga yabaa innay shaqo la’aan soo food-saarto wakhtiga xagaaga marka ay dadku ay ka guuraan magaalooyinkaas kulayl awgii.

Intaa xagaa sare ku xardhani waa hordhac, balse su,aasha mihimka ahi waxay tahay; maxaa asaas u ah shaqo abuurka? Igu horrayn waxaa asaas u ah shaqo abuurka afar shay; waa ta koobade , maalgashi taas oo abuura shaqo aan jirin. Wa ta labaade, waddanka oo wax soo saarkiisu kor u kaco taas oo keenta innuu shaqaale cusub loo baahdo. Waa ta sadexaade, wax iibsiga bulshada wadddanka ku nool oo kor u kacda taas oo keenta in ganacsatadu faa’iidaan oo ay ku dhiiradaan in ay qaybo kale furtaan oo ay qataan shaqaale cusub. Waa ta afraadde waxay ay tahay in dawladdu maalgaliso mashruucyo cusub sidda wadadii Ceerigaabo oo kale.

Haddii aynnu dul istaagno qodobbaddaa kor ku xusan ee asaaska ah shaqo abuurka waddan, Somaliland maxaa la gudboon si ay iga guulaysato shaqo la, aanta baahsan ee samaysay? DP Word waxa ay maalgashi ku samaysay dekadda Barbera, waxaa markhaati laga wadda yahay horumarka ka muuqda dekadda durba waa la hubaana in shaqo abuur balaadhan ay curin doonto marka la dhammeeyo. Haddaba maalgashiyo kale oo ballaadhan oo wax wayn ka qaban lahaa ma jiraa shaqo la, aanta jirta. Hubaal way jiraan haddii la dhiirigaliyo ganacsatada iyo dadka kale ee jecel in ay maalgashadaan horumarka dalka. Tusaale ahaan, in cilmi baadhis lagu sameeyo qiimaha ku bixi kara hirgalinta iyo ka shaqaynsiinta warshadda sibidhka, kalluunka iyo rinjiga.  Haddii lagu guulaysto mashruucyadda kor ku xusan waxay si wayn u dhimi doontaa shaqo la,aanta baahsan. Waxaa kale oo ay inna soo gallin  doontaa lacaggo qallaad oo keenni doonta in ay kor u kaco lacagta waddankeenu. Faa’iidadda u wayn ee ay innoo yeelan doontaa waxay tahay in alaabta dibadda laga keenaa ay innoo jabi doonto sababta oo ah isku sarifka lacagteena ayaa kor u kici doonta marka la garab dhigo lacagaha qalaad. Dadkeena alaab jaban ayay heli lahayeeen.

Dhawrkii sanno ee dambeeyey waxaa waddanka laga hirgaliyey shirkaddo badan oo wax soo saar. Waxaa habboon in lagu dhiirado kobcinta shirkadahaas si ay u dabboollaan baahiya asaasiga ah ee ummaddeena. Dawladdu waa in ay siyaasad cad oo lagu taageeraayo oo qayb ka tahay shaacisaa ganacsiyada laf-dhabarka u ah ummadda.  Run ahaantii, bulshadeenu wax ma soo saarto waxii ay iibsadaana waddanka dib uguma noqdo ee waddamo kale oo alaabtaas laga keennay ayay dib ugu noqdaan.  Waddamada hormaray waxay sameeyaan alaabta waddanka ka soo baxda cashuurta ayaa laga jabiyaa si loo dhiri-galiyo kuwa kale ee la mid ah ee dibadda ka yimaadana cashuurta ayaa lagu kordhiyaa si qaali u noqdaan oo dadka ayna uugu dhiiran.

Guntii iyo gabagabadii, haddii ay daacad inanga tahay xalinta shaqo la,aanta waddanka talaa, wax yaabo badan oo la qaban karaa way jiraan haddi ayna hagrasho jirin.