Siyaasi Baashe Cali Jaamac Oo Ka Digay Saxaafadda Oo La Xidh-Xidho

0
1354

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda u diray baaq ku waajahan Saxaafadda.

Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xisbiga Kulmiye, oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doona, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Saxaafadda “Saxaafaddu waa xor, in lagu xad gudubo, oo la cabudhiyana maaha, in Saxaafadda lagu xidho dhaliilaha jira ha sheegina hana soo bandhigana maaha,  Saxaafaddu Somaliland door muhiima ayey kaga jirtaa dalka, ee ma joogno  dal kaligii taliye xukumo ee Dimuqraadiyada ha la ilaaliyo oo Saxaafadda cabudhinta, xadhiga iyo cadaadiska ha laga daayo, haddii se Saxaafadda cabudhinta laga dayn waayo, waa nasiib daro weyn, dadka haddii afka laga xidhana gacanta lagama xidhi karo,halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaha ay leedahay ee la soo bandhigay maaha inay xadhig iyo cabudhin miciin bido, ”.

Mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doono ayaa yidhi “Waxaad mooda in Xisbiga Kulmiye in dhexdiisi cabudhini ka dhex jirto, maxaa yeelay waxaynu ogeyn in xubno ku jiray oo dhaliilay Xukuumadda in laga saaray, sideedabana dhaliilisho waxbay toosisaa ee waxba ma xumayso, qofku haddii uu han leeyahay, wuxuu isku dayaa inuu hankiisa muujiyo, meesha uu doonaba ha jooge, waxaa se muuqata in Xisbiga Kulmiye dhexdiisa aanay Dimuqraadiyadi ka jirin, cid han lehna aan la rabin inay iska soo sharaxdo, waxay ahayd madaama Xisbigu yahay Xisbi qaran, in qof kasta oo ka mid ah Xisbiga, oo waliba han musharaxnimo leh kursiga uu doonaba ha ku tartame inuu isa soo sharaxo, laakiin taas ma muuqato”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here