Siyaasaddu Ma Laha Saaxiib Ama Cadaw Joogto Ah

49
4309

Cabdiraxmaan Cadami

Qoraalkan koobani wuxuu jawaab u yahay dadkii la yaabay magacaabista ambassador Maxamed Warsame Ducaale oo ka mid ahaa madaxdii ka dhex muuqatay xisbiga Waddani oo madaxweyne Muuse Biixi u xushay in uu noqdo wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Haddaba distoorka Somaliland qodobkiisa 90-aad wuxuu madaxweynaha awood buuxda u siinaya magacaabista golihiisa wasiirrada iyo ragga ama dumarka buuxinaya jagooyinka muhiimka ah ee xukuumadda.

Inkasta oo uu ragga la shaqayn doona xisbiga ka dhex doorto iyo kuwa ay isku aragtida yihiin ama rag ay saaxiibo hore ahaayeen haddana kama reebana in uu team-kiisa ku soo daro rag ka mid ah kuwii shalay ay iskaga soo horjeedeen siyaasadda ama isaga ku ahaa mucaaradka haddii uu u arko in dalku u baahan yahay.

Akhriste bal dhugo dhawrkan tusaale:-

Abraham Lincoln madaxweynihii Maraykanka ee 16-aad wuxuu wasaaradda arrimaha dibadda u magacaabay William Seward oo ahaa ninkii wakhtigaa kula tartamay doorashadii madaxweynenimada Maraykanka.

Nelson Mandela xukumaddiisii ugu horaysay wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu u doortay Chief Buthelezi oo hoggaamin jiray dhaqdhaqaaqii INKATHA ee sida ba’an uga soo horjeeday ururkiisii ANC.

Mr Richard Nixon madaxweynihii Maraykanka ee 37-aad wasiirka awoodda badan ee amniga Qaranka wuxuu u magacaabay Henery Kissinger oo madax ka ahaa ololihii(Campaign Manager)  Nilson Rockefeller oo ay si adag ugu loolameen xisbiga Republican-ka dhexdiisa si midkood uga soo baxo musharraxa la tartami doona ninka isna ka soo baxa xisbiga Dimuqraadiga; haseyeeshee waxa lala yaabay ama la su’aalay Nixon sababta uu u xushay ninkii siyaasaddiisa dhalliili jiray ama dhaleecayn jiray, wuxuu ugu jawaabay Kissinger in uu yahay qofka ugu fiican ee shaqadaa ka soo dhalaali kara “I did because he is the best man for the job.”

Lincoln, Nixon, Mandela iyo kuwo kaleba waxay aamminsanaayeen oo ay ka duulayeen falsafadda ah siyaasaddu in aanay lahayn saaxiib ama cadaw joogto ah iyo in qofkii shalay kaa soo horjeeday barrito kuu noqon karo taageero adag iyo waliba saaxiib wanaagsan oo la isku hallayn karo (In politics- one who fought you today might it be your best friend tomorrow).

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Biixi wuxuu ku dhiirraday in uu magacaabo aqoon yahan karti badan oo wax ku soo kordhin kara maamulkiisa. Sidaas oo kale muwaadin kasta waxa ku waajib ah in uu aqbalo haddii loogu yeedho in uu u shaqeeyo Qarankiisa.

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here