Siyaabo Arxan Darro Ah Oo Dhaqannadii Hore U Dili Jireen Qofka Xukunka Dilka Ah Lagu Fulinayo (Q. 3aad)

0
676

Riyaad (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay MBC waxa ay soo bandhigaysaa habab taariikho hore bulshooyinka dunidu u fulin jireen xukunnada dilka ah, laakiin hababka hadda la isticmaalo kaga duwanaa, qofka oo aanay nafta uga raaxaynayn balse silic iyo xanuun daran uu qofku marayo ka hor inta aanu dhiman, waxa aanay kala yihiin:

Jiir ku ciqaabis:

Dhaqannada arxan darrada ah ee xilliyadii hore meelo dunida ka mid ah ka jiray waxaa ka mid ah in ruuxa dembiilaha ah ee dilka lagu fulinayo inta dharka oo dhan laga bixiyo isaga oo qaawan lagu fadhiisin jiray kursi badhtanka halka badhida ku beegan laga daliiliyey, kursiga hoostiisana waxaa la dhigayaa weel weyn oo laga soo buuxiyey jiir, kadib weelkaas uu jiirku ka buuxo ayaa dab lagu kululaynayaa, taas oo sababaysa in jiirkii marka uu dabka dareemo uu kaco kulaylka awgii, oo uu doono in uu kulaylkan ka firxado.

Nasiib darro meel uu ka baxaa ma daloosha oo aan ahayn halka kursiga ka daloosha ee dabada qofka ku beegan, sidaa awgeed jiirku bartaas ayaa uu isku soo qaadayaa, marka muddo ay sidaasi socoto jiirkuna u halgamo in uu kulaylkaas ka baxsado, aakhirka qofka ayaa uu dabada ka geli jiray, kadibna gudaha jidhka marka uu u galo xubnihiisa gudaha ayaa uu sidaa ku jarjari jiray, sidaas ayaanu ku dhimanayaa marka uu gudaha jiirku ka xulo.

Beerta ulaha:

Waa hab loogu talogalay in qofku uu si silic ah u dhinto, habkan waxaa laga isticmaali jiray oo inta badan ee dalalka qaaradda Eeshiya. Waxaa jira Geed lagu magacaabo Bamboo Afcarabigana Khaysaraan lagu yidhaahdo oo aad uga baxa Eeshiya, gaar ahaan dalka Taiwan. Geedkan oo jiriddiisa laga sameeyo qoriga laga sanceeyo qalabka guryaha iyo xafiisyada, waxaa lagu yaqaannaa in marka la beero muddo shan sano ah aanu si caadi ah u bixin, oo maalin kasta iyada oo la daryeelayo haddana aanay waxba iska beddelin, marka uu sannadka shanaad gaadho ayaa uu mar keliya si xawaare ah ku koraa. Tusaale ahaan maalin kasta geedka waxaa u kordha 1 fuudh ullaa uu dhererkiisu gaadho 27 Mitir.

Haddaba dhulkaas waxaa ka jiri jiray dhaqan ah in qofka dembiga lagu helo ee dilka lagu fulinayo lagu xidh-xidho geedkan oo laamihiisu u eeg yihin kuwa qasabka (Aalaha) dushooda iyada oo xagga dambe lagaga beegayo mid ka mid ah laamahaas dhuuban. Sida bixista geedka aynu ku soo sheegnay maalin kasta hal fuudh ayaa u kordhaya, taas oo keenaysa in qofka inta uu xagga dambe ka soo galo maalin kasta hal fuudh hore ugu sii socdo, illaa aakhirka maalmo kadib uu qofku sidaa silica ah ku dhinto.

Godka:

Qofka dilka lagu xukumayo ayaa lagu ridayaa taangi ama god weyn ooh ore loogu sii diyaariyey, iyada oo cunto aad u badanna loogu gurayo. Nasiib darro qofkani marka uu saxaro ama kaadi u baahdo waxa uu ku dhex gudanayaa xaajadiisa godkan ama taangigan gudihiisa, iyada oo cuntadiina u dhex taalla oo gaajada awgeed uu ku qasban yahay in uu iska cuno. Qofkani muddo dheer ayaa uu sii noolaadaa laakiin aakhirka godkaas ayaa uu iskaga dhex dhintaa cudurro ayaa inta badan ku dhaca, laakiin waxaa la aaminsan yahay in xanuun nafsi ah oo xaaladdan ka dhashay uu yahay ka ugu weyn ee ku dhaca, inta badanna qofku u dhiman jiray. Dhammaad