“Wadankii Jar Buu Ka Laa-laadaaye Waxaynu U Baahanahay In Loo Gurmado Oo La Badbaadiyo”

0
621

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Xisbiga Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka ahaa, ayaa ka hadlay cambaarayntii uu Madaxweynaha Somaliland uu ku cambaarayey Iran iyo taageerista uu taageeray Sucuudiga, wuxuu ku tilmaamay talaabo lagu deg degay, isagoo tilmaamay in cambaarayntaas wax faa’iido ah oo Somaliland ka soo gashay aanay jirin, halka ay Somaliya ku heshay lacag abaal-gud ah.

1111111111111

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah waftiga Xisbiga Waddani, ee u baxay Gobolada Barriga ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya waxa kale oo uu ka hadlay ujeedada socdaalkooda, waxaanu yidhi  “Ujeedada socdaalkaygu waxa uu ahaa Diiwaangelinta iyo sida aanu dadka ugu wacyigelin lahayn in is diiwaangeliyaan oo kaadhka Diwaangelinta ay Doorashada ku codeeynayaan ay qaataan, deegaanadii kala duwanaa ee aanu tagnayna si kaalay arag ah oo heer sare ah ayaa lanoogu soo dhaweeyey”.

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey abaalgudka lacageed ee ay Somaliya ku heshay cilaaqaadka ay ka goostaay Sucuudiga cambaarayntii ay Somaliland cambaaraysay Iraan ayaa yidhi “Wadan la ictiraafsan yahay ma nihin, aduun weynuhuna waxa uu inoo haystaa inaynu Somaliya ka mid nahay, dal la ictiraafsan yahayna ma nihin,  inaynu dhex galno camaarnaytaas Iran iyo Sucuudiga may ahayn, mar haddii cidi ku aqoonsanayn inaad cid taageerto may ahayn, wax aan waxba inooga dan ahayn oo ay Somaliya ku macaashtay oo abaalgud ku heshay may ahayn in la dhex galo, waana lagu deg degay, wax faa’iido ahna inoogumay jirin,aniguna waan ka soo horjeeday inaynu arimahaas ka hadalno.”

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed ayaa mar uu ka hadlaayey qisaastii iyo sida uu Midowga Yurub u cambaareeyay ayaa yidhi “In arimaheena dakhliga la inago soo faragaliyo maaha,dadkan la qisaasayna waajib diini ah bay hayd in qisaas lagu fuliyo,oo nabadgalyeedana ayaa ka jirta,haddii cidii wax laga dilay tidhaahdo gacan ku dhiiglalha ha naloo qisaaso diiniyana waa sharci cida laga yeelayaana ma jirto”.

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlayey Xisbiga Waddani iyo hoggaaminta dalka, wuxuu sheegay in dalku ka laalaado jar, una baahanyahay gurmad uu sheegay inuu yahay xisbiga Waddani, “Dalkii jar buu ka laad laada waxaanu u baahan yahay in loo gurmado oo  la badbaadiyo ee waxa aan Bulshada ugu baaqaya in Waddani la taageero.”