Riyaad (Geeska)- Dhimashadu waa mid laakiin caadi ahaan dariiqa loo maraa aad ayaa uu u kala duwan yahay, waxaa ka mid ah dilka oo qudhiisana habka qofka loo dilaa aad u kala duwan yahay. Tan iyo bilowgii aadamaha waxaa jiray dil, uu aadamuhu dilo aadame kale, sababo badan oo ay ka mid tahay nidaam sharciyeed ama hab-ciqaabeed laga jarayo qofku dembi uu galay. Maanta dalalka dilka isticmaalaa habab kala duwan ayaa ay dadka xukunnada dilka ah lagu fulinayo u maraan, toogasho, dal-dalaad, irbad lagu mudo qofka, iyo koronto intaba. Laakiin hababkani waxa ay ka midaysan yihiin in qofka ay waqtiga ugu yar ee suurtogal ah nafta kaga saari karaan, si aanu xanuun badan u dareemin.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay MBC waxa ay soo bandhigaysaa habab sida kuwan casriga ah u kala duwan oo taariikho hore bulshooyinka dunidu u fulin jireen xukunnada dilka ah, laakiin hababkan ay kaga duwanaayeen qofka oo aanay nafta uga raaxaynayn balse silic iyo xanuun daran uu qofku marayo ka hor inta aanu dhiman, waxa aanay kala yihiin:
1. Qudhmin:
Dadkii hore ee Beershiyiinta (Faarisiyiin) qofka dembiga gala ee xukunka dilka ah lagu fulinayo, dharka oo dhan ayaa laga bixin jiray, kadib waxaa lagu dhex xidh-xidhi jiray sanduuq qori ka samaysan (Sida ka naxaska ah ee hadda dunida laga isticmaalo) ama jirid geed qallalay, kadib waxaa lagu qasbi jiray in uu cabbo malab aad u badan iyo caano illaa uu shubmo oo weliba si xad dhaaf ah calooshu u qoonmato, sidoo kale waxaa oogada oo dhan laga marin jiray, malab, si xasharaadka iyo xayawaannada yaryar u soo xiiseeyaan oo ugu soo ururaan.
Silicaas oo qofba tiro maalmo ah marka uu ku jiro uu aakhirka dhiman jiray.
2. Cag Maroodi:
Dadkii hore ee Koonfurta Qaaradda Eeshiya ku dhaqnaa waxaa dhaqan u ahaa in qofka dembiilaha ah ee dilka lagu fulinayo loo tuuro maroodiyo si ay cagta ugu istaajiyaan.
Maroodiyo ayaa dilka dadka loo tababari jiray, si qofka ay hadba dhan ugu tuuraan, kuna joog-joogsadaan, oo dhimashada ka hor uu qofku ciqaab adag iyo xanuun daran u maro.
Dadkani waxa ay aaminsanaayeen in sababta ay sidan u yeelayaan ay tahay in la caddeeyo in xayawaanka iyo dabeecaddu ay iyagu wax xukumaan ee aanu aadamuhu xukumin, taas oo si ugu arooraysa caqiido qaldan oo dadku aaaminsanaa.
3. Ciqaabta Laashka:
Sida muuqata dadkii ikhtiraacay habkani waxa ay ka soo dheegteen habka koowaad ee aynu ugu magac darnay Qudhminta. Waxa la soo qaadayaa laba laash oo qof uun le’eg oo isku qiyaas ah, kadib inta mid qofka lagu rido ayaa kan kalana lagu daboolayaa, laakiin afarta waaxood (Labada gacmood iyo labada lugood) iyo madaxa ayaa bannaanka oolaya oo inta dhexe ayuun baa laashashkan ku dhex jirta. Qofku isaga oo xaalkaa ku jira ayaa cunto loo keenayaa, haddii uu diidana irbad ayaa lagu mud-mudayaa illaa uu ogolaado. Mar labaadka wejiga iyo xubnahaas aan ku daboolnayn labada laash ayaa laga marinayaa malab iyo caano, markaasaa qorraxda loo dhigayaa. Kulaylka qorraxda iyo qaniinyada xasharaadka ayaa muddo kadib halkaas ku dilaya qofka, inta badanna waxaa dhici jirtay in qofku dhimashada ka hor waasho.