Qaahira (Geeska)- Waxa aynu marar badan wararka dunida iyo qormooyinka kala duwan ee warbaahintu faafiso ku aragnaa xogo sheegaya rugo-kutubeed (Maktabado) qaddiimi ah oo ku yaalla dhulka hoostiisa, gaar ahaan magaalooyin ay ka mid yihiin Dimishiq iyo Qaahira. Kuwaas oo marar badan dadku is weydiiyaan ujeedada keentay in maktabadahan dhulka hoostiisa la keeno, isla markaana uu durko fahamka xogta sheegaysa in sababtu ay tahay colaado xilligaas dhacay ama cadaadis dadka cilmiga lagu hayey oo ku kallifay in ay kutubtooda ku daalacdaan meelo ka qarsoon indhaha maamulka ama dadka caadiga ah ee aan la fahmi karin.
Haddaba in maktabahadan samaysankoodu suurtogal si fudud u noqon karo, iyo in sababtu ay taas la soo sheegay noqon kartaba waxaa caddaysay baadhis ay samaysay haweenayda qoraaga ah ee Fiona MacDonald oo dhowaan baadhis ay samaysay ku ogaatay in maktabadahaa qaddiimiga aha ee ay ku kaydsanaayeen kutubta iyo qoraallada tobannaanka sano ka hor aadamuhu sameeyey, aanay halkaas ku joogsan ee weli samaysankoodu dunida ka jiro.
Fiona waxa ay qoraalkeedan kaga sheekaysay maktabakad qarsoodi ah oo ku taalla qaybo ka mid ah xaafadaha iyo shaaracyada cidhifka magaalada Dimishiq oo dhulka hoostiisa ah. Waa maktabaad leh kaaanado ay rasaysan yihiin kutub iyo qoroaallo laga badbaadiyey weerarrada cirka ee ku dhacay magaaladan oo in badan oo dhismayaasheeda ka mid ah ay burburiyeen.
Afartii sano ee u dambeeyey intii ay go’doomintu saarnayd magaalada Daariyaa ee duleedka Dimishiq ayaa koox mutadawaciin ahi isu keeneen 14 kun oo buug oo ay ka soo ururiyeen guryaha iyo dhismayaasha kala duwan ee ku burburay colaadaha Suuriya, kadibna iyaga oo ka cabsi qaba in ay qabtaan ama waxyeelleeyaan ciidamada dawladda Bashaar Al-Asad iyo maleeshiyooyinka garab siiyaa, ay si qarsoodi ah ugu qariyeen dhisme dhulka hoostiisa ah. Waxa se taas ka sii yaab badan in maktabaddan ay soo booqdaan dad naftooda ku soo biimaynaya khatarta colaadda, si ay uga soo daalacdaan kutubta ay niyadda ku hayaan iyo hadba wixii ku cusub ee ay ku araan.
Maktabaddan waxaa lagu magacaabaa maktabadda sirta ah ee Suuriya, dad badan ayaana u arka in ay tahay il noololeed oo muhiim ah. Cabdalbaasid Al-Axmar oo ka mid ah dadka Maktabaddan taga, ayaa mar uu la hadlay idaacadda BBC waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Rugtan kutubtu waxa ay iga caawisay in aan dib si uun ugu soo ceshado noloshaydii, waxa aan odhan karaa, baahida loo qabo in kutub la’ helaa waa ay la mid tahay baahida uu jidhku u qabo in uu cunto helo. Sidaa cuntada uu jidhku ugu baahdo ayaa ay ruuxduna kutubta ugu baahan tahay”
Haddaba marka taariikhda dib loo eego maktabaddan dhulka hoostiisa ah ee qarsoodiga ahi ma’aha tii ugu horreysay ee dunida soo marta, waxaa taariikhda ku jira qisas badan oo tan la mid ah oo cadaadiska siyaasiga ama diiniga ahi uu sababay in la abuuro maktabad qarsoodi ah oo aanay arki karin indhaha dadka caamada ah iyo ciidamada kala duwan ee dawladdu.