Qaahira (Geeska)- Sinjibiishu waxa ya ka mid tahay dhirta dhaqan ahaan iyo cilmi ahaanba la isla qirsan yahay in dawo ahaan loo isticmaali karo, taariikh ahaanna muddo dheer ayaa uu aadamuhu geedka Sinjibiisha u isticmaalayey dawo ay kula tacaalaan xanuunno badan. Dhinaca kalana cilmiga casriga ahi waxa uu qirsan yahay in dawo dhireedka la hubaa ay ka tayo badan tahay dawada sancayska ah kana khatar yar tahay maadaama oo aanay ku jirin isku-dhisyo kiimiko ahi. Qormadan oo taxane dhowr maalmood ah, waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya.
Macaanka:
Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa dadka macaanka qaba kula talinaya in ay cabbaan cabbitaan ka samaysan sinjibiisha, kadib markii la ogaaday in koob sinjibiil karsan ah oo subaxdii la cabbaa uu hoos u dhigo heerka macaanka dhiigga ku jira.
Caloosha
Sinjibiishu waxa ay awood u leedahay in ay caloosha ka saarto naqaska (Gaasta) waxaana la aaminsan yahay in ay tahay geedka ugu fiican dhinaca dabiibista khalkhal caloosha ku yimaadda. Sidoo kale Sinjibiishu waxa ay dabcisaa muruqyada caloosha, waxa aana loo isticmaali karaa daweynta bakteeriyada keenta shubanka.
Caafimaadka wadnaha:
Sinjibiishu waxaa loo adeegsan karaa xoojinta caafimaadka wadnaha, maadaama oo ay yarayso heerka dufanka (Kalastaroolka) ee dhiigga ku jira, kaas oo khatar ku ah wadnaha, xididdada dhiigga iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Sidoo kale sinjibiishu waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga, taas oo ka dhigaysa hormoodka dhirta iyo caleenta kala duwan ee caawiya xoojinta caafimaadka wadnaha.
Digniin: In kasta oo ay sinjibiishu dhiigga ka ilaaliso in uu guntamo, taasina ay u fiican tahay dadka dhiigkarka qaba ama miisaankoodu badan yahay, haddana waxa ay khubarada baadhitaannada ku sameeyey ka digayaan in aad ay jidhka ugu badato si aanay meesha uga wada saarin xinjirowga dhiigga oo muhiim ah.
Hargabka iyo dhaxanta:
Faa’iidooyinka caafimaad ee sinjibiisha waxaa ka mid ah in ay xoojiso hab-dhiska difaaca ee qofka, Sinjibiishu waxa ay badisaa dhididka, dhidid badan oo qofka ka yimaaddaana waxa uu ka mid yahay dawooyinka dabiiciga ah ee qabowga iyo hargabka.
Ka hortagga Kansarka:
Cilmibaadhis ay samaysay Xarun Kansarka ka shaqaysa oo ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in sinjibiisha budada ahi, ay disho unugyada kansar ee gala ugxaanta dhalmada.
Daraasado kalana waxa ay daahfureen in sinjibiishu ay si weyn u curyaamiso koritaanka unugyada Kansar ee midhicirada. Dhinaca kalana waxa ay khubarada isku-daweynta dhirtu caddeeyeen in sinjibiisha loo isticmaali karo daweynta caabuqa xubnaha. Laf dhabarta oo saliid Sinjibiil lagu duugaana waxa ay caawisaa in xanuunku uu ka yaraado qofka.
Dhimista miisaanka.
Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan Maxadka nafaqaynta jidhka oo hoos taga jaamacadda Columbia ee dalka Maryakanka ayaa sheegay in Sinjibiisha oo lagu daro cabbitaannada kulaylka lagu cabbo ay sababto in qofku uu dhaqso u dareemo dhereg, kana hortagto in uu xilliga kan xiga cuno cunto badan, halkaas ayaana ay ka imanaysaa fikirka ah in sinjibiishu ay dhimmi karto miisaanka. Intaas waxaa dheer in sinjibiishu ay caawiso gubista dufanka jidhka ku jira iyo miisaan dhimista. Isla daraasaddaas jaamacadda Columbia waxa kale oo lagu ogaaday in sinjibiishu ay xakamayso ama yarayso amateedka (Doonista cuntada) taasina ay qayb libaax ka qaadataa dhimista miisaanka.
Ugu dambayntiina sinjibiisu waa ay saamayn fiican ku yeelataa heerkulka jidhka, waxa aanay caawisaa kordhinta awoodda uu jidhku u leeyahay ka faa’idaysiga cuntada uu qofku qaadanayo, sidaa awgeed waxa ay gubi kartaa xaddi badan oo dufan ama xaydh ah.
Sinjibiisha iyo timaha:
Sinjibiishu waxa ay caawisaa in timuhu ay baxaan, waxa aanay kordhisaa wareegga dhiigga ee gaadhaya madaxa, taas oo ah sababta ay timuhu si fican ugu baxayaan. Waxa ay tayaysaa timaha oo ay awood iyo nafaqo ku filan siiso, ugu dambayntiina saliidda sinjibiishu waxa ay madaxa sii dabiici ah uga kaxaysaa toxobta.
Sinjibiisha iyo maqaarka:
Sinjibiisha waxaa ku jira illaa 40 isku-dhis oo la dagaallama in falgallado aan sax ahayni ay jidhka gudihiisa ka dhacaan, kuwaas oo qofka ka ilaaliya gabowga, sunta ay ka soo saarayaan maaddooyinkaas iyo firfircoonida wareegga dhiigga ay gelinayaanna ay qurxiso maqaarka, maadaama oo uu jidhku helayo xaddi badan oo ah maaddooyin nafaqo. Sinjibiishu waxa ay qofka u ilaalisaa muuqaalka dhalinyaronimada, maqaarkiisana waxa ay ka dhigtaa mid dhalinyaro. Ugu dambayntii sinjibiisu waxa ay ka hortagtaa findoobka, waxa aanay nadiifisaa bakteeriyada keenta. Dhammaad