Burco(Geeska)-Magalaada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waa Magaalada labaad ee ugu dadka badan Somaliland marka laga tago caasimada Somaliland ee Hargaysa waxa jira goobo tira badan oo siyaasada lagu falanqeeyo kuwaas oo aad ka dareemi karto sida dadku ay isku dhaafsanayaan haasawaha aan naxliga lahayn ee ka dhacaayaa goobaha shaaha laga cabo iyo meelo kale ee dadku isku yimaadaan .
Wargeyska Geeska Afrika waxa uu khamiistii soo ururiyay rayiga ay ka qabaan isku shaan dhayntii uu Madaxweynuhu Arbacadii sameeyay taas oo qofba si ay ula muuqatay tiro dada ayaan halkan idinku soo ururindonaan raiyaga ay ka qabaan isbadalka xukuumada ee Maanta uu sameeyay madaxweynahu.
Yusuf Maxamed Cariish oo ka mida dadka siyaasada aad ula socda oo aan rayigiisa waydiinay ayaa ku bilaabay “Walal waxaan u arka isku shaandhaynta uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay in ay ahayd wakhti ku haboon waayo Madaxweynahu waxa uu mudo 20 bilood ah xilka qaranka hayay sidaasi daraadeed waa sunaha dawlad nimo in laysku bedelo isbadlkaas lagu sameeyay ragaasina waxa uu ahaa mid xiligii ku haboonayd la sameeyay , teeda kale xubno culus ayaa wasiiro waayay waxaan u malaynayaa in wakhtigii ilaahay u qoray ay ka dhamaatay waxa xubnaha ku jiray rag karti iyo aqoonba leh.”
Abdilaahi X Cali oo mida dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa isna sheegay in isku shaandhaynta Madaxweynahu ay ahayd talaabo wanaagsan waayo waa mihiin in isku shaandhayn lagu sameeyo golaha wasiirada madaxweynahu go,aan fiican ayuu qaatay
Jaamac Cilmi oo isna aan weydiinay rayigiisa ayaa sheegay in isku shaandhayntu ahayd in rag kuraas ku fahdiyayna laga qaado qaar kalena la magacaabo waxaanan u arkaa in ahayn mid wax ku soo kordhinaysa mid wax yeelaysa mooyee .
C/rizaaq Maxamed Cabdi oo isna ka mida ardayda jaamacadaha Burco waxa uu sheegay “in xubnaha laysku bedelay ay ka mid yihiin in la magacaabo Samaale Mr Maxemed Xaashina la aryo waxaan umalaymnaya in Wasaaradi maaliyada ee dalk manta ay u dhamaatay waayo samaale waa sheekh diinta ku fiican laakin aan waligii soo marin maamul dawlad nimo garanayna shaqada taala wasaarada balaadhan ee Maaliyada oo ah xarunta ay ku soo xarooto dhaqaalaha dalka isla markaaana ay joogaan niman burjuwaasiyiina oo ku mamay kastamada dalka sida uu kuwa ula dhaqmo garan mayo waxaanan u arkaa in madaxweynaha god kaaa dhaafay .
Farxiya Cali oo ah gabadh dhalinyaraa oo degen Magalaada Burco ayaa sheegtay in tiro badan oo wasiiraa oo la magacabaa aanay waxba kordhin ay nee loo baahan yahay sidii dadka reer somaliand shaqa abuursi iyo jihayn loogu sameyn lahaa .
Mohamed Cali oo ka mida Dhalinyarada ciyaaraha ku dhex jirta ayaa soo dhaweeyay isku shaandhayntaas walalo waxaan usoo dhaweeyay isku shaandhaynta Madaxweynaha wasaaradi ciyaaraha oo noqotay xarun lagu yooyootamo oo inta badan aad arkayso iyadoo xidhiidhadii kubada cagta iyo Wasiirki ay eedaymo isku dhaafsanayaan waa maansha alaah hadii madaxweynahu uu gartay qofkii khaldanaa .
Sahra Maxamuud oo iyana ah dumarka siyaasada haweenka u ololeeya ayaa sheeegtay in ay soo dhaweynayso isku shaandhaynta madaxweynuhu sameeyay laakin saamigii haweenka ee xukuumada madaxweynuhu hoos u dhigay oo wasiirka uu shaqada ka caydhiyay waxay ahayd in qof haweena lagu bedelo maadaama oo haweenku laba wasiir uun ku lahaa wasiirada waxaan usoo jeedinayaa in madaxweynahu arintaasi ka fiirsado
Ubax Cabdilahi oo ka mida haweenka ka dhex muuqda isla markaasna kamida haweenka u dooda xuquuqda haweenka ee gobolka Togdheer oo aanu waydiinay rayigeeda waxaanay ku bilawday sidan “ Walaahi waxaan u arkaa talabada uu Madaxweynahu qaaday mid haweenkii Somaliland wax loogu dhimay waayo haweenku waxay lahaayeen hal wasaarad oo ah wasaarada arimaha bulshada waxaana wasiir ka ahayd gabadh inta inantii la eryay ayaa waxa lagu bedelay nin haween ahaan waxaan u aragnaa in godob weyn nalaga galay .
Guuleed Daahir oo insa ka mida dadka siyaasada la socda ayaa isna hadalkiisa ku bilabaay sidan “arinta madaxweynahu sameeyay manta waa kud u guur oo qanjo uguur isbedelku waxa weeye mid aan waxb badan soo kordhinayn raga uu isku bedelayna waa rag aan isku karti iyo shaqo qaarkood ahaydn tusaale ahaan Wasiirka Maaliyada ee uu manta magacaabay waa Cabdi Casiis Samaale oo darajadiisa ugu saraysa ee uu gaadhay ay ahayd Macalin iyo Khaadib salaaada Jimcaha ka akhriya Masaajid oo aan maamulkka waxnba ka aqoon anigu anoon midkoodna la dhacsanayn hadana waxa dadka loo qaatay ina Xaashi .
Si kastaba ahaatee rayi uruurinta aanu ka samaynay Magalaada Burco waxa dadweynahau siyaabo badan uga hadleen fikirkoda ku aadan isku shaandhayntaas dad badan oo fara badan oo aanu kula kulanay goobaha lagu sheekaysto ee bunka lagu cabo ayaa noo sheegay in Madaxweynahahu xubno aad loogu hanweynaa uu xilalkii ka qaaday taas dadku waxay intooda badan tusaale usoo qaadanayeen maxamed Haashi Cilmi oo mudadii uu wasarada Maaliyada joogay laban laaabay Miisaaniyadii dalka isla markasna shaqo fiican ka qabtay dakhli ururinta.
Wargeyska Geeska Afrika
Burco-Office
Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilka Case)