Madaxweyne-Xigeenka Aabihii Oo Shalay Lagu Aasay Magaalada Borama

0
661

sayliciBorama(Geeska)-Alle haw naxariste waxa shalay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal lagu aasay Marxuum Cabdillaahi Ismaaciil Shire, oo ahaa Madaxweyne xigeenka Somaliland aabihii Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil.

Marxuumka, oo ka mid ahaa odayaasha magaalada Borama, waxa aaskiisa ka qayb galay madaxweyne xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland iyo weliba maamulka gobalka Awdal. Geesta kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa wuxuu tacsi u diray madaxweyne xigeenka iyo guud ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday marxuum Cabdillaahi Ismaaciil Shire. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid  Aabbihii Cabdilaahi Ismaaciil Shire oo ku Geeriyooday Gobolka Awdal gaar ahaan Boorama 16/03/2012,

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.” Sidaas ayay madaxtooydu ku tidhi warka tacsida ah.